Qarax miino oo ay ku basbeeleen ciidamada gumeysiga Ethiopia oo ka dhacay agagaarka Shineemo Somali ee degmada Waabari.

Gaari URAL

Halkaan ka akhri

Saacadda marki ay aheyd 12:00 duhurnimo ee xilliga magaalada Muqdisho ayaa qarax xoogan oo ah Miino nooca meelaha fog laga hago waxaa lala beegsadey kolonyo ciidanka gumeysiga Ethiopia oo marayey agagaarka Shaneemo Soomaali ee degmada Waabari.

Ciidamadan gumeysiga Ethiopian-ka ee lala beegsadey Qaraxa miino ayaa waxa uu ka haleelay mid ka mid ah Baabuurtii URAL-ada ahaa ee ay wateen, iyada oo sida ay sheegeen dad goob jooga yaal ahaa oo ku sugnaa halka qaruxu ka dhacey in gaariga URAL-ka ee uu qabsaday qaraxa uu aad u bur-buray.

Waxay intaas ku dareen dadkii goob joogayaasha ahaa in Baabuurka URAL-ka ahaa ee laqarxiyay ay saarnaayeen ciidamo fara badan oo Ethiopian ah ayna ku basbeeleen dhamaantoon Baabuurka lala helay qaraxa, sidoo kalena ciidamadii saarnaa aanu ka badbaadin hal Askari sida ay noo xaqiijiyeen dadki goobjoogayaalka ahaa.

Sidoo kale waxa ay sheegeen dadkii goobjoogayaalka ahaa in la arkayeen lugihii Baabuurka URAL-ka iyo qeybo badan oo ka mid ah Baabuurka oo yaala wadada dhinacyadeeda.

Ciidamadii kale ee lasocday Baabuurka uu haleelay qaraxa miinada ayaa waxey bilaabeen in ay kala buriyaan dadkii ka agdhawaa halka qaraxa lagula beegsadey, iyaga oo ridayay rasaas xoogan.

Ciidanka gumeysiga Ethiopia ee lala beegsadey weerarka Miino ee looga gubey URAL-ka, ayaa ku sii jeeday dhinaca villa Soomaaliya, halkaasoo fariisin u ah madaxda sare ee dowlada KMG.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

%d bloggers like this: