Caasimada gumaysiga Itoobiya ee Addis Ababa ayaa la filayaa in seddexda bilood ee soo socda ay koronto la’aani ku dhici doonto.

Addis Abeba

Halkaan ka akhri

 

Caasimada gumaysiga Itoobiya ee Addis Ababa ayaa la filayaa in seddexda bilood ee soo socda ay koronto la’aani ku dhici doonto.

Caasimada gumaysiga Itoobiya ee Addis Ababa ayaa la filayaa in seddexda bilood ee soo socda ay koronto la’aani ku dhici doonto, sababtuna waxay tahay iyadoo xarunta xoogga korontada ee Addis Ababa ay dabooli karto oo kaliya 60% baahida koronto ee Addis Ababa, sidaas waxaa lagu sheegay warbixin dhawaan la soo saaray.

Magaalada Addis Ababa, oo ay ku nool yihiin dad gaadhaya 4 milyan oo qof, ayaa la sheegayaa in korontada laga isticmaalo ay gaadhayso 200 oo megawatts, hase yeeshee xarunta xoogga korontada Addis Ababa waxay dhalin kartaa 120 megawatts oo kaliya.

Xukuumadda gumaysiga Itoobiya waxay Bangiga Adduunka ka amaahatay lacago malaayiin dollar gaadhaya, kuwaasoo ay sheegtay inay ku horumarinayso xarumaha xoogga koronto dhalinta ee dalka, hase yeeshee waxaa muuqata in lacagahaasi ay ku urureen jeebabka Males iyo gacan-yarayaashiisa.

08 April 2008

Axmed Gaal-Eri

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

 

%d bloggers like this: