Afhayeenka Ciidamada Burundi ee Amison oo ka hadlay Qarixii shalay lagu weeraray Xaruntooda ee magaalada Muqdisho.

https://somaliswiss.files.wordpress.com/2008/04/cburundi1.jpg

Ciidanka Burundi

Halkaan ka akhri

Warar dheeraad ah oo ku saabsan falkii qaraxa ismiidaamina ahaa ee shalay galabta lala beegsadey fariisin ciidanka Burundi ku leeyihiin halkii horey u ahaan jirtey Jaamacada Ummada, ayaa ku waramaya in ciidanka Burundi ay soo gaareen khasaarooyin xoog leh naf iyo maalba leh.

Hase haatee war Saakay ka soo baxay Xarunta Ciidamada Amisom ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa Afhayeenka ciidamada Burundi  uu sheegay  inaysan  ka niyad jabidoonin howsha ay ka hayaan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, inkastoo  shalay  nagula soo  weeraray qarax ismiidaamina ayuu yiri Afhayeenka.
Balse afhayeenka wuxuu sheegay inay ku jiraan baaritaano ay ku ogaanayaan cidii ka danbeeysay inkasta uu yiri inay sheegtaa kooxaha ka dagaalama Caasimada, isagoona sheegay inaysan lug ku lahayn kooxaha ka dagaalada magaalada Muqdiho balse iyagu ay ku kooban yihiin nabad ilaalin iyo u kaalmeyn dadka Rayidka ah ee waxyeelada ka soo gaaro dagaalada.

Sidoo kale waxa uu sheegay  inay marwalba diyaar u ahaayeen waxa kaga yimaada dalka ay dagaalada ka jiraan, islamarkaana waxa aan u joogno waa nabad ilaalin aan ka fulinayno Soomaaliya ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaawuxuu caddeeyey in  laba ka mid ah askartoodu ay ku dhaawacmeen iyo dhimasho dad rayida oo soomaali ah.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: