Odayaasha Hawiye
Halkaan ka akhri
Sidoo kale waxa soo dhaweyntaas ka qeyb qaatey Ugaasyo, ganacsato iyo qar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Jabuuti, iyada oo ugaasyada soo dhaweyntooda ka qeyb qaadatey ay ka mid yihiin, Ugaas C/Laahi Ugaas Faarax, Ugaas Cabdi Daahir Nuur Iyo Xuseen Siyaad Qoor Gaab Oo Ah Gudoomiyaha Gudiga Qiimeynta Khasaaraha Ee Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye.
Wafuuda Odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ee ku sugan dalka jabuuti ayaa kulamo ku la qaatay xubno ka socday Isbaheysiga dib u xoreynta Somalia, ee mudooyinkaan ku sugnaa Jabuuti. Afhayeenka Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye Mudane Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in socdaalkooda uu la xariiro martiqaad ay ka heleen Beesha Caalamka iyo xubno ka tirsan Isbahaysiga Asmara.
Hase ahaatee Afhayeenka ayaa intaas ku daray ee uu sheegay in ay ka wada hadleen xaaladdii ugu dambeeyay ee dhibaatooyinka ka taagan dalka Soomaaliya, islamarkaana isla soo qaadeen tacdiyada Ciidamada Itoobiya u gaysteen Shacabka Soomaaliyeed.
Odayaasha Dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye ayaa horay kulamo u laqaatay Ra’isul wasaaraha Dowlada Soomaaliya iyo beesha Caalamka, yadoo wararka ay sheegayaan in Masuuliyiinka ugu saraysa Ururka asmara ay Gaaridoonaan Jabuuti si ay ula kulmaan Odayaasha dhaqanka Hawiye.
Wararku wuxuu intaa ku darayaan in wafdiga Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye, ee martida u ah isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya la dejiyey hotelka la yiraahdo Hotel Benleveu oo ku yaala magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.
Sida wararku ay sheegayaan xubnaha xafiiska arimaha dibada u qaabilsan isbaheysiga ayaa dejiyey Hotelkaas, waxaa caawana ay casho sharaf wada leeyihiin wafdiga golaha Dhaqanka iyo xubnaha isbaheysiga u qaabilsan arimaha dibada ee ku sugan dalka jabuuti oo iyagu marti qaadka casho sharafta sameynaya.
Sidoo kale waxa la filayaa in wafdiga ka socda golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye ee maanta gaarey dalka jabuuti ay kulamo halkaa kula yeeshaan, jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Jabuuti.
Sidoo kalena waxa ay la kulmayaan ganacsatada Soomaaliyeed ee fariisinka ka dhigtey dalka jabuuti wixii ka danbeeyay soo gelitaanka dalka Soomaaliya ee ciidanka gumeysiga Itoobiya soo galeen dabayaaqadii sanadkii 2006.
Balse socdaalka ay shalay ku gaareen dalka Jabuuti wafdiga Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye ee marti qaadka rasmiga ah ka helay isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa u muuqda mid looga gol leeyahey wadahalo bilow ah oo dhex mara labada gole, waa kan Dhaqanka Hawiye iyo isbaheysiga dib u xoreynata, wada hadaladaas oo la filayo in ay noqdaan kuwo looga hadlo xaalada hadda dalku ku sugan yahey, iyo is bedelada siyaasadeed ee beryahan danbe soo baxey.
SomaaliSwiss Djabuti
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.