Sarifka lacagaha qalaad oo cirka isku shareeray isagoo gaaray heerkii ugu sareeyey ee abid????

https://somaliswiss.files.wordpress.com/2008/04/shilin_somali.jpg?w=128

Shilin Soomaali

Halkaan ka akhri

War ka soo Xafiiska Cadalla Shidey ee Suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in Sarifka Dollarka Mareykanka ee Shillin Soomaaliga uu saakay gaarey qiimihii ugu sareeyay inta la ogsoon yahey taariikh, ka dib markii la shaagey in lacago badan oo Shillin Soomaali ah la soo gelinayo suuqyada magaalada Muqdisho, gaar ahaan Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Sida caadada u ah sariflayaasha lacagaha qalaad marka ay maqlaan in lacago cusub ay soo socdaan, ambaba suuqa soo galaan waxa ay bilaaben in ay kor u qaadaan qiimaha uu $100 ka joogo markaa suuqa,arintaas oo keenta in maciishada daruuriga ah ay cirka isku shareerto.

Sida la og-yahay waxaa aalaaba keena inuu kor u kaco qiimaha sarifka Shillin Soomaaliga ee Dollarka, ayaa timaada ka dib markii si sharci daro ah la isaga daabacdey lacago faalso ah, oo si xad dhaaf ah loo soo geliyey Suuqyada inta badan magaalooyinka waaweyn ee Waqooyi Bari iyo kuwa koonfureed.

Hase ahaatee sariflayaasha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxay sheegeen in shaley $100 dollar uu ka ahaa suuqyada Muqdisho 2,700,000 Sh/So, isagoo gabal dhaciina ahaa 2,800,00 Sh/So, xaaladdan ayey ku tilmaameen sariflayaashu in ay tahey markii ugu horey ee Taariikhda uu intaa gaaro sarifka $100, marka loo eego Shillin Soomaaliga.

Balse taasi waxaa ka sii daran iyadoo ganacsatada kala duwan ay diideen qaadashada 1000 Sh/So ee duuga ah oo inyar jeex jeex ka muuqdo, hase yeeshee arrintan ayaa keeni karta in la waayo wax lacag Shilling Soomaali ah oo dadku ay wax ku kala iibsadaan.

 SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: