Qarax lala beegsatay ciidamada Ethiopia oo dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Afar Irdoodka magaalada Baydhabo.

Baydhabo

Halkaan ka akhri

2 Qof oo midood uu yahay Askari Ethiopian ah ayaa ku geeriyooday 8 qof oo kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray, kadib markii qarax Bambaano ah lala beegsaday Ciidamada gumeysiga Ethiopia oo marayay afar Irdoorka magaalada Baydhabo.

Qofka geeriyooday iyo dadka kale ee dhaawacmay ayaa gebi ahaantoodba waxay ahaayeen dad rayid ah oo ka ag dhowaa halka qaraxa uu ka dhacay, waxayna dadka dhaawacmay isugu jiraan kuwo ay haleeshay rasaas macna dara ha ee ay qaraxa kadib fureen Ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwo uu soo gaaray firir ka dhashay qarixii miinada ahaa ee lala beegsaday kolonyadii Ethiopian-ka.

Sidoo kale waxaa laxajiijiyay in uu qaraxaasi ku geeriyooday 1 Askari oo kamid ahaa ciidamada gumeysiga Ethiopia ee qaraxa lala beegsaday.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Ciidamada gumeysiga Ethiopia ee qaraxa lala beegsaday ay ceyrsadeen qof ay u maleeyeen in uu ka dambeeyay qaraxa, kaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn in ay soo qabteen iyo in uu ka baxsaday intaba.

Qaraxan ayaa wuxuu ahaa qaraxii labaad ee muddo 48 saacadood gudahooda ah ka dhaca magaalada Baydhabo, wuxuuna qaraxii midkan ka horeeyay ka dhacay agagaaraha Bangiga Baydhabo, iyadoo qaraxaasina uu sababay in ay dhinteen 4 Ruux, iyo 6 Ruux oo kalena ay ku dhaawacmaan.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: