Hay’adda Cuntada & Beeraha (FAO) oo sheegtay in dalka Soomaaliya ay ka jirto Xaalad degdeg ah, bilkastana ay ka qaxan guryahooda 20 Kun qof.

https://i0.wp.com/www.fao.org/english/dg/images/current_dg_diouf.jpg

Dr. Jacques Diouf

Halkaan ka akhri  

Dalka Soomaaliya oo maalinba maalinta ka dambeysa ku soo badanayo dagaallo xoog badan iyo iska horimaadyo aan naxriis lahayn, taasoo sababtay in Kumanaan qof ay ka qaxaan goobaha dagaallada ka socda gaar ahaan Magaalada Muqdisho, dadkaas oo aan garanaynin halka ay u qaxayaan.

Sidaas darteed, Hay’adda  Cuntada iyo Beeraha ee hoos tagta Qaramada Midoobay ayaa cod dheer ku sheegtay in Soomaaliya ay ka jirta xaalad deg deg ah, waayo waxaa bilkasta guryahooda ka cararo dad tiradooda  gaaraya ilaa 20Kun qof oo qaxooti noqdo, una baahan in loo fidiyo gargaar bani’aadannimo.

Hay’adda FAO ayaa sheegtay in wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhirirkeedu yahay 30Km ay ku dhibaateysan yihiin dad tiradooda lagu qiyaasay ilaa 250Kun, iyagoon haysan waxyaabaha ugu muhimsan nolosha qofka.

Si kasta ha ahaatee Hay’addu waxay sheegtay in dagaalladii dhacay dabayaaqadii sannadka 2007da ilaa iyo bisha febraayo ay ka barakaceen dalka Soomaaliya guud ahaan dad tiradoodu gaaraysa ilaa 2milyan oo qof, balse 1000 ka mid ah dadkaas ay ku tabaaleysan yihiin gudaha dalkooda, ha yeeshee waxay u baahan yihiin gargaar deg deg ah ilaa lixda bil soo socda.


Ugu dambeyntii Hay’addu waxay shaaca ka qaaday in dhibaatada uga weyn ay ka timid hakadkii galay ganacsigii Suuqa Bakaaraha uu sabba in Quutul-duruuriga uu cariiri galo, sicirkii badeecadahana kuu ku dhaco sicir barar waxkastana uu qaal-garooba, siiba cuntada sida Badarka, Galleyda, Baastada, Bariiska, Sonkorta, Burka iyo Saliida.

SomaliSwiss Xigasho Swissinfo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: