Baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu Qaraxiyay Ciidamada Burundi ee ku sugan xarunta Jaamacada Umada ee Muqdisho.

Burundi

Halkaan ka akhri

Qarax aad u xoogan ayaa goor dhaw waxaa uu ka dhacay xarunta Jaamacada Umada ee Magaalada Muqdisho oo fariisin u aheyd ciidamada AMISOM ee dalka Burundi, kadib markii nin watay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo Cabdi Bile ah uu isku qarxiyay meesha ay deganaayeen.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Xarunta Jaamacada Umada ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhaawacmay 10 qof oo Ciidamada AMISOM ee dalka Burundi.

Lama sheegi karo qasaaraha dhabta ah ee kasoo gaaray ciidamada AMISOM ee dowladda Burundi.

Lama oga qasaaraha dhabta ah ee Ciidamada nabad ilaalada Burundi kasoo gaaray qaraxaasi ismiidaaminta ahaa.

  • Faahfaahin kasoo baxeysa ayaa sheegeysa weerarkan in uu ahaa mid uu fuliyay nin naftii hure ahaa oo watay Baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iskuna qarxiyay xarunta Jaamacadda Umadda ay ku leeyihiin cidamada Burundi halkaasi oo askar fara badan ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

 

  • Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi oo ka dhacay gudaha xarunta ciidanka Burundi, kadib markii qofka gaariga kaxeynayay uu dhexda ka galay.

 

  • Afhayeen u hadlay ciidamada dawladda Burundi ayaa sheegay in ugu yaraan 3 askari ay ku dhinteen halka tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen iyadoona ay wali soconeyso howsha daad gureynta dhaawacyada iyo meydadka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

 

 

 

%d bloggers like this: