Dagaal ka dhacay dalka Yemen oo ay ku dhinteen 18 qof.

https://somaliswiss.files.wordpress.com/2008/04/yemen_map.gif

Yemen

Halkaan ka akhri

War ay faafifiyeen wakaalada Wararka caalamka qaarkood ayaa wuxuu sheegayaa  in Woqooyiga dalka Yemen galabnimadii  Axadda ahayd uu ka billaabmay iska horimaad hubeysan oo aad u xoog badan ee u dhaxeeya koox fallaaga ah ee ka soo jeeda dadka Shiicada ee reer Yemen iyo Meleeshiyo taabacsan dowladda Yemaneyd.

Warku wuxuu intaa ku daray in iska horimaadka hubeysan ay ku dhinteen 18 qof iyo dhaawac aad u fara badan, balse aan la soo sheegin cadadkooda,waxaa sidoo  kale halkaas ka dhacay in Kooxda Shiicada ay gubeen guryo badan  iyo Bililiqo xoog badan ay u gaysteen hanti ay lahaayeen Jaaliyad Yuhuudda ee Yemen.

Sida lagu soo warramay iska horimaadkan ayaa ka soo billabmay meel suuq ah oo u dhow Buuraha ku yaalla Woqooyiga dalka Yemen ee hadka la leh dalka Sacuudiga, hase ahaatee Meleeshooyinka shiicada Zaidiga ah, ayaa had iyo jeer waxay handadaa Yuhuuda Yemaneyd oo ah dad  aan badneyn.

Si kasta ha ahaatee dadkan shiicad ah ayaa waxay degaan Woqooyi dalka Yemen, waana dad dagaalyahan ah, kana soo horjeeda dowladda Yemeneed oo dagaallo badan la galeen Ciidamada dalka Yemen, kii ugu qasaaraha badanaa wuxuu dhacay sannadka markup ahaa 2004ta,kaas oo ay ku dhinteen kumanayaal qof.

SomaliSwiss Xigasho Swissinfo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: