Magaalada Balcad oo gacanta u gashay Xoogaga Mujaahidiinta MMIS, hub iyo gaadiidna la wareegay.

https://somaliswiss.files.wordpress.com/2008/04/ciidamada-muqaawamada.jpg

Ciidamada Mujaahidiinta

Halkaan ka akhri

Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhexe, ayaa galabnimadii maanta ay gacanta u gashay ciidamo ka tirsan Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed, waxayna la wareegeen Saanad ,hub kala duwan iyo gaadiidka dagaalka ee ay lahaayeen Ciidamada dowladda la shaqeysa gumaysida Ethiopia ee joogay degmadaas.

Sida ay sheegeen dadweynaha reer Balcad, in Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee MMIS ay weerar qorsheysan oo kedis ah ku qaadeen xeradii hore ee Hiilweyne halkaas oo ay ku jireen ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah.

Balse la sheegay in Mujaahidiinta ay ka qaniimaysteen iyagoo gacanta ku dhegeen  2 baabuur oo ah kuwa dagaalka oo kala ah baabuur weyn oo uu saaran qoriga 37-ka iyo baabuur kale oo saarnaa qoriga B10-ka.


Nin u hadlay Mujaahidiinta MMIS ayaa wuxuu sheegay in dagaalkaas ay kula wareen Qoryo yar yar oo sida rasmi ah aanu u magcaabin tiro ahaan inta ay leegyihiin.waxa uu sidoo kale uu afhayeenku sheegay in ciidamdii dowlada KMG ah ee ku sugnaa xeradii hore ee Hiilweyne ay ka dileen 2 askari, intii kalena ay carareen.

Qofka u hadalay Mujaahidiinta oo magaciisu lagu sheegay C/Raxiim Ciise Cadow ayaa ka hadlayey u jeedada dagaalada ka dhanka ah ee ay la beegsadaan ciidanka gumeysiga Ethiopia iyo kuwa la shaqeeya ay tahay inay wiiqaan awooda cadowga ummada Soomaaliyeed iyo kan daba-dhilifka ah.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: