Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sheikh shariif Sheikh Axmed iyo Wofdigiisa oo ka dhoofan magaalada Nairobi.

Isbahaysiga

Halkaan ka akhri

Waxa xaley saqdii dhexe ka dhoofey dalka Keyna wafdigii uu hoggaaminayey Guddoomiyaha gudiga fulinta Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliyeed Sh Shariif Sh Axmed, kaas oo beryahanba u joogay magaalada Nairobi howlo la xiriira xallinta dhibaatada gaamuurtay ee Soomaaliya.

Hase ahaatee Wafdiga isabheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa la sheegay inay kulamo kula yeesheen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Keyna xubno ka tirsan Qaramada Midoobay (UN), xubno ka socda Midowga Yurub iyo ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay.
Sidoo kale wafdigu waxa uu la kulmey safiirka dalka Talyaaniga u fadhiya magaalada Nairobi iyo safiirka dalka Maali, waxayna ka wada haldeen arrimo badan oo ku saabsan Xal u helidda dhibaatada Soomaaliya.
Kulamadan kala duwan ee wafdiga Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Nairobi ayaa waraarku waxa ay sheegayaan laga helayo halkaas, in intooda badan looga Hadley dib u heshiisiin iyo wada hadalo dhex mara isbaheysiga iyo Dowladda KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga itooboiya.
 
Warku wuxuu intaa raaciyey in mas’uuliyiinta Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ay si faah-faahsan uga hadlin wax yaabihii ka soo baxey wada hadala ay ku yeesheen magaalada Nairobi, balse xoghaya arimaha dibada ee isbaheysiga oo saxaafada la Hadley ayaa wuxuu sheegay in arrimo badan laga wada Hadley oo ay ka mid tahey dib u heshiisiinta uu dhawaan soo bandhigey Nuur Cadde. In kastoo ayna jirin wax kulamo ah oo dhex marey wafdiga isbaheysiga iyo Ra’iisul-wasaare Nuur Cadde .

Si kasta ha ahaatee Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa beesha caalamka waxa uu shuuruud uga dhigey wada hadal dhex mara iyaga iyo dowlada KMG ah, in marka hore wadanka laga saaro ciidanka gumeysiga Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka. Arintaas oo muuqata in beesha caalamkuna ay garwaaqasadeen.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: