Ra’isul Wasaaraha Faransiiska oo si kulul uga hadlay Afduubka loo gaystay Markabkooda.

RW. France

Halkaan ka akhri

Ra’iisul wasaaraha Faransiiska Mudane François illon ayaa waxa uu si kulul u cambaareeyay dableydii Burcad badeedda ahayd ee ka Afduubtay Ma rkabkii laga lahaa dalka Faransiiska xeebaha dalka Somaliya, islamarkaana ay saarnaayeen shaqaalo gaaraya ilaa 30 oo ka shaqaynayay Markabka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu sheegay in burcad badeed Somalidu ay iminka gacanta ku hayaan Markabkaasi sida ay ka soo xigatay wakaalada Wararka AP oo wareysi layeelatay.

hase ahaatee François fillon wuxuu intaas raaciyey in xukuumada faransiiska ay isku dayi doonto inta awoodeeda ah in markabkaasi ay soo furato, isagoo sheegay in markabkaasi la Afduubtay isagoo ku sugan agagaarka biyaha gacanka Cadhmeed.

Ra’isul wasaaraha faransiiska wux uu walaac ka mujiyay dadka la socda Markabka la’afduubay isagoo intaasi ku daray in wasiirka difaaca ee dowlada faransiiska iyo wasiirka arrimaha dibedda ay si wadajir ah iska kaashanayaan arintaasi, kadina ay jawaab ka bixin doonaan.

Balse Afhayeen u hadlay hay’ada Markabkaasi ayaa sheegtay in ay u baahan yihiin dadaal dheeraad ah loo galo si aan wax yeelo loo gaarsiin dadka markabkaasi saaran, ha yeeshee lama garanayo ilaa hada halka lagu haysto markabkaasi.

SomaliSwiss Xigasho AP

SomaliSwis@hotmail.com

%d bloggers like this: