Mudaaharaad aad u weyn oo ay Soomaalida ku nool wadankan Switzerland ku doonayaan Xuquuqdooda Qaxootinnimo.

30

Bundesplatz

Halkaan ka akhri

 

 30

Waxaa shalay oo khamiista ahayd 03/04/2008 ka dhacay magaala Madaxda dalkan Switzerland Mudaaharaad aad u ballaaran oo ay isugu soo baxeen Jaaliyadaha Soomalida ku nool Gobollada dalkan, kuwaasi oo tiradoodu lagu qiyaasay dad gaaraayey ku dhawaad ilaa 1000 qof oo Somali ah, iyagoo ka cabanayeen sida ay xaquuqdooda rasmiga ah ku heli laheeyaan guud ahaan Soomalida ku nool wadankaan Switzarland.

Mudaaharaadkan oo ka dhacay guriga Baarlamaanka hortiisa (Bundesplatz) magaala madaxda dalka Switzerland ee Bern ayaa waxaa hadalo ka jeediyey rag ka tirsan guddigii soo qaban qaabiyey  Banaanbaxaasi oo ay kamid ahaayeen, Gudoomiyaha Jaaliyadda Bern Aadan Ibraahim / C/qadir Qalimow / Bashiir C/qaadir iyo C/salaan Barqadle /Xasan Basri / Walash / Maxamed Daahir / Sh. Axmed / Axmed C/llaahi (Amxaar) / Marwa Caasha Jilacoow / iyo Odayaal iyo dhalinyara kala oo fara badan, waxayna sheegeen in ay muhiim tahay in Soomaalida ay si wadajir ah uga doodaan xaquuqdooda ayna ka caajisin ilaa ay ka helaan xaqa ay leeyihiin.

Dowladda waddankan Swiss-ka ayaa waxay Soomaalida ku nool wadankeeda siisaa aqoonsi ku meel gaar ah oo loo yaqaan (F) oo ah sharci bini‘aadanimo oo uu qofku uu ku joogi karo wadankeeda ilaa uu nabad ka noqdo qofka wadankiisa, hase ahaatee sharcigaas ay adag tahay in qofka uu shaqo ama waxbarasho ku helo, ha yeeshee uusan wadanka kaga bixi karin.

Goobta bannaanbaxa waxaa heeso dhiiro galin ah ka qaadey Cabdow Muuri oo ka mid ah fanaaniinta kunool wadankan Switzerland, iyadoo uu ku dhamaadey Bannaanbaxaasi jawi dagan.

Ugu dambeyn gudiga qaban qaada Bannaanbaxa ayaa waxay warqad u gudbiyeen qaar ka tirsan xubnaha Baarlamaanka wadankan Switzerland, taas oo laga rajeynayo iney ka soo baxaan jawaab qancisa Soomaalida ku dhaqan dalkan Switzerland.

Balse sida ay sheegeen ka soo qaybgalayaasha waa markii ugu horeysey ee uu ka dhaco Mudaaharaad noocan oo kala ah Dalka Switzerland, hase yeeshee wuxuuna kan uu uga duwanaa kuwii hore, waa mid Soomaalida oo dhan ay ku mideysnaayeen, waayo Bannaanbaxan ayaa ka turjumayey danahooda guud ahaaneed.

SomaliSwiss Yusuf Garabey Berna

SomaliSwiss@hotmail.com

49643640mm126

%d bloggers like this: