Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ciidamada Dowladda KMG ah looga qabsaday Degmada Cadaado.

dagaal muqdisho

Al-Shabaab

Halkaan ka akhri

Wararka ka imanaya magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa tibaaxay in uu dagaal xooggani ka dhacay duleedka Cadaado kaas oo sababay in halkaas lagula wareegey gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa 10 gaari iyo ugu yaraan hal Taangi (Kaare) oo ay lahaayeen ciidamada dowladda KMG, waxaa kale oo laga gubey ugu yaraan 6 gaari oo kuwa dagaalka.

Dagaalkan oo ay soo qaadeen kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa wararka ugu horeeya ee ka soo baxaya waxay tibaaxeen in sarkaal ka tirsan dowladda KMG laga soo xigtey in dhinacooda ay ka dhinteen ugu yaraan 14 askari, waxa kale oo laga dhaawacay ilaa 20 askari, waxana uu qiray in laga gubey ilaa 6 gaadiidka dagaalka.

Wakaaladda Wararka ee AFP waxay taliyaha ciidan oo aagga cadaado ee dowladda KMG, Daahir Shidane, kasoo xigatey in uu yiri “Dagaalku wuxuu ahaa mid aad u xoog weyn, waxaa nasoo weraya Al-shabaab, waxaa naga dhintay 15 askari, waxaa sidoo kale luminay 6 gaari.

Sida ay werisey Aljazeera, Sh. Mukhtaar Roobow ayaa yiri “waxaan la wareegney ilaa 11 gawaarida dagaalka oo hub saaran yahay.

Waxaa jira warar dhimashada dadka dagaalkaas ku dhintay gaarsiinaya ilaa 30 qof.

Magaalada Cadaado waxaa wararku sheegeen in ay la wareegeen kooxaha taabacsan Maxaakiimta islaamiga ee Soomaaliya.

Waa magaaladii siddeedaad ee ay ciidamo taabacsan Maxaamiimtu ay qabsadaan, ayaa Aljazeera sheegtay.

SomaliSwiss Cadaado

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: