Sheikh Shariif Sh. Axmed oo raja wanaagsan kamuujiyay wada hadal dhex mara iyaga iyo xubnaha dowladda KMG Soomaaliya.

SH.

Sheikh Shariif

Halkaan ka akhri

 

Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo u waramayay BBCSomali ayaa rajo wanaagsan kamuujiyay in ay wada hadal galaan oo ay isla hadlaan xubnaha dowladda KMG inteeda nabadda jecel.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Nairobi ay Qaramada Midoobay iyo diblomaasiyiin wakiilo u ah wadamada reer galbeedka iyo Maraykanka kulamo kula lahayd wafdi ka socda Isbaheysiga Dib-U-Xoreyeynta dalka Soomaaliya.

Waxaa wafdigan horkacayay guddoomiyaha Isbahaysiga Dib-U-Xoraynta Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Shariif Hassan Sheikh Aadan.

Sheikh Shariif waxa uu sheegay kulamadii ay laqaateen Wafdiyada kala duwan in ay iskula meel dhigeen qaabkii loo wada hadli lahaa iyo qaabka nabad loogu soo badaali karo xaaladda Murugsan ee dalka Soomaaliya.

Sheikh Shariif Sheikh Axmed, guddoomiyaha Isbahaysiga Dib-U-Xoraynta dalka, wuxuu ka hadlay xiisadaha iyo dagaalada ka socda gudaha dalka Soomaaliya, oo uu sheegay in ay soconayaan weerarada ay gaystaan Mujaahidiinta ka soo horjeeda ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwa dowladda ee lashaqeeya.

Wuxuu sheegay in dagaalka ay gudaha Soomaaliya ka wadayaan inta xal rasmi ah laga gaarayo oo ay wadahadalo lagu heshiiyo dhacaan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com 

%d bloggers like this: