Ra’isal wasaare Nuur Cadde oo wacad ku maray in uu sii wadayo dadaalada dib u heshiisiinta ee uu wado.

SomaliPM

RW. Nuur Cade

Halkaan ka akhri

Ra’isal wasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) ayaa shaaca ka qaaday in ay isku aragti ka yihiin isaga iyo Madaxweyne C/llaahi Yusuf arimaha dib u heshiisiinta dalka Somalia. 

Ra’isal wasaare Nuur Cade ayaa carabka ku adkeeyay in dowladiisu ay sii laba laabi doonto sii hormarinta nabada ay iminka wado, si ayuu yiri loo samatabixiyo nolasha dadka colaaduhu ay barakaciyeen ee dhibtoonaya.

RW. Nuur Cade ayaa xaqiijiyay in uu raja wanaagsan ka qabo in xal laga gaaro nabad kusoo dabaalidda dalka Soomaaliya.

Ra’isal wasaare Nuur Cadde ayaa laga dareemayay howlo furfurnashiyo ay ku jirto oo la xariira dhinaca dib u heshiisiineed tan iyo markii uu qabtay xilka ra’isal wasaare nimo ee dowladda KMG Somalia. 

Hadalka RW. Nuur Cadde ayaa kusoo beegmaya xili uu weli ku jiro socdaal uu ku marayo wadanka Boqortooyada dalka Sacuudiga.

SomaliSwiss Dubai

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: