Xubin Sare oo ka tirsan Wasaarada arimaha dibada dowladda KMG ee la shaqeysa Gumeysiga Ethiopia oo lagu dilay Muqdisho.

askari-somali-ah12.jpg

Mogadishu

 Halkaan ka akhri

Sarkaal ka tirsan Wasaarada Arimaha dibada Dowlada KMG ee la shaqeysa gumeysiga Ethiopia ayaa kooxo hubeysan waxay shalay galabtii ku dileen Xaafada Taleex ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho. 

arkaalkan oo magaciisa la yiraahda Abuukar Cabdulle Nuur oo wasaarada arrimaha dibada u qaabilsanaa xariirka Caalamiga ah ayaa shalay galinkii danbe lagu toogtay magaalada muqdisho, xili uu ku sugnaa agagaarka gurigiisa oo ku yaala degmada Hodan, islamarkaana kooxaha gaystay dilka ay goobtii ka baxsadeen.

Hase ahaatee Kooxdii fulisay dilka masuulkaas ayaa la sheegay inay ku hubeysnaa bastoolado, isagoo dhaawac culus oo soo gaaray u geeriyooday sida ay sheegeen dadka dariska la’ahaa marxuumka.

Wasaarada arimaha Dibada Dowlada  KMG ah ayaan wali ka hadlin dilka loo gaystay Sarkaalkaas oo ahaa xubin lafdhabar u ahaa  Wasaaradda arrimaha dibada DKMG, ma ahan markii ugu horreysay oo dil noocan ah loo gaysto dad ka tirsan dowladda la shaqaysa gumeysiga Ethiopia.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: