Xoogagga Maxaakiimta Islaamka oo caawa mar kale dib u qabsaday Degmada Buula-Barde ee gobolka Hiiraan.

war degdeg ah

Buula Barde

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya Degmada Buula Barde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay Degmadaasi ay dib u qabsadeen xoogagga Maxaakiimta Islaamka Soomaaliyeed, xilli Ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwii lashaqeynayay ee la socday ay u ruqaansadeen Dhinaca Magalada Balad-weyne oo sida la sheegay halka lagu Magacaabo Kala-Beyrka ay qabsadeen Xoogagga Xaq’udirirka.

Ciidamada Maxaakiimta ee mar kale qabsaday Buula Barde ayaa waxa ay ku hubeysan yihiin ku dhawaad 10 Baabuur oo kuwa dagaalka ah, oo qaarkood ay maalin hore ka qabsadeen Maleeshiyaadka Dabageed.

Ciidamada gumeysiga Ethiopia ee ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa aad ugu wareersan qaabka Dagaal yahannada Maxaakiimta Islaamka, iyadoo Dagaalyahannada Maxaakiimtu ay ka warhayaan Tirada Ciidanka gumeysiga ee ku sugan Gobolka Hiiraan iyo Hubka ay wataan oo aan u qeybsamin dhamaan Degaannadaasi.

Iyadoo hadba halkii ay ciidamada gumeysiga ka soo baxaan loo dabamaro Maadaama Xoogagga Maxaakiimta Islaamka ah ay doonayaan in ay xadidaan qasaaraha soo gaari kara dagaal yahannadooda.

Qabsashada mar kale ee xoogagga Maxkamadaha Islaamka ay qabsadee Buula Barde ayaa kusoo beegmaya xilli ay habeenimadii xalay qabsadeen bar ay ciidamada gumeysiga Ethiopia ku lahaayeen Kala Bayr meesha loo yaqaan.

Sidoo kale ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa maanta isaga guuray Buula Barde iyagoo degay meel 5KM u jirta oo lagu magacaabo BARDAHA.

Si kastaba ha ahaatee waxaa isa soo taraya weerarrada joogtada ah ee lagu qabsanayo meelaha ay degen yihiin Maleeshiyaadka u shaqeeya Dowladda KMG ee ay wadato gumeysiga Ethiopia.

SomaliSwiss Buula Barde

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: