Â
Suuqa Bakaaraha
Halkaan ka akhri
War naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ku sheegaya in Gudoomiyaha Midowga Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha  uu uga  hanjabay  in ciidamadooda gaarka ah ay tallaabo adag ka qaadi doonaan ganacsatada suuqaasi ee isku dayda in ay diido lacagaha 1000-ka Sh So ee duuga ah kaasi oo waayihii danbe ay soo baxeysay in la iska diido. Â
Mudane Cali Max’ed Siyaad  “Cali Dheere“  ayaa  sheegay in haatan aan loo baahneyn shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan haddane in sicir bararka dalka ka jira loogu daro lacagaha kunka ah qaarkood  la diido.Â
Guddmiyuhu wuxuu  ku booriyay ganacsasatadu in ay u turaan shacabkooda isla markana aysan dantooda kaliya ka fiirsan meesha, hase yeeshee wuxuu cadeeyay in  wixii laga bilaabo manta ay soo galinayaan suuqa lacago duug ah cidi diida qaadashadeedana ay tallaaba ka qaadi doonaan.Â
Balse Guddoomiyuhu wuxuu ku adkeeyay in ganacsatadu aysan bilaabi karin  qorshe shacabkooda ku dhaqan Gobollada Koonfureed lagu maja-xaabinayo isla markaana lagu sii cakirinaayo xaaladaha murugeysan ee hadda  taagan.Â
Dad badan ayaa dibad baxyo ka dhigay meelo kala duwan oo ka mid ah dalka kuwaasi oo ka caraysnaa Ganacsatada diiday inay  qaataan lacagaha duuga waayo taasi oo la soo gudboonaatay in dadkii masaakiinta ahaa dhamaantood ay dhibaato xoogan ka soo gaartay.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.