Furitaanka dhisme dib u habeyn lagu sameeyey hogaanka boliska ee ka hortaga danbiyada oo uu madaxweynaha furay.

Xarunta OTO-OTO

Halkaan ka akhri

Furitaanka dhisme dib u habeyn lagu sameeyey hogaanka boliska ee ka hortaga danbiyada oo uu madaxweyne Cabdilahi Yuusuf Axmed maanta xariga ka jaray

Xarunta gaadiidka boliska ee qeybta bartaha ama oto oto ee agagaarka taalada sayidka ayaa ka dib markii dib u habeyn lagu sameeyey ayaa maanta xariga looga jarayey oo uu ka soo qeyb galay madaxweynaha DF Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo ay la socdaan qaar ka mid ah labada gole ee dowlada waxaana halkaa dhoolatus ku sameeyey qaar ka mid ah ciidanka boliska qeybihiisa kala duwan .


Visha shaaweel Safiirka dowlada Ethiopia u fadhiya Somalia

Xafladaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha Df Cabdulaahi Yuusuf Axmed taliyaha ciidanka boliska solaiyeed Cabdi Xasan Cawaale ( Qeybdiid ) taliyayaasha duqa magalada muqdisho , mas’uuliyiinta labada gole , dublamaasiyiin, saraakiisha ciidanka boliska somaliyeed , qeybaha kala duwan ee saxaafada waxaana ka mid ahaa safiirka dowlada Ethiopia u fadhiya somaliya visha shaaweel iyo taliyaha ciidanka Ethiopia ee ku sugan gudaha dalka somaliya janaraal gabra .

Xalfladaan lagu furayey xarunta hogaanka ka hortaga danbiyada ayaa waxaa hadalo soo dhaweyn iyo wax qabadkii ciidan boliska ka soo jeediyey hogaanla madax ay ka mid ahaayeen taliyaha ciidanka boliska somaliyeed janaraal Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid ) gudoomiyahay gobolka banadir Maxamed Cumar Xabeeb ( Maxmaed Dheere )

Goobta ay xafladu ka dhacaysay oo amaankeeda aad loo ilaalinayey ayaa waxaa sugayey ciidanka nabad ilaalinta AMISOM ee dalka ugaandha

Ugu horeyntii waxaa hadal soo dhaweyn iyo warbixn isugu jirta ah ka soo jeediyey Taliyaha howlada ka hortaga danbiyada G/Sare Cali Xasan Cawaale ( Cali Saciid )

Isaga oo sheegay ahmiyada uu leeyahay hogaanka boliska ee ka hortaga danbiyada ay bulshada u leedahay

Taliyaha hogaanka ka hortaga danbiyada G/Sare Cali Xasan Cawaale ( Cali Saciid ) â€waajibaadkiisa shaqo waxaa ka mid ah waxka qabadka amniga iyo xasiloonida dadka iyo dalka

(B) la socodka danbiyada dalka ka dhaca iyo ka hortaga ladagaalankooda

Isku dubaridada iyo diyaarinta uruurinta saxafada warsubaxeedka la xiriira danbiyad adalka ka dhca sida shilalka wadooyinka iyo arimaha kale ee muhuumka u ah shacabka danyarta ah ee somaliyeed

(D) Ilaalinta iyo maamuuska madaxda qaranka iyo kuwa shisheeyahay ahba ee dalkeena boqashada ku yimada iyo qabashada howlaha gurmadka deg dega ah

(E) u gudbinta wasaaradaha iyo wakaaldaha dowlada arimaha quseeya iyo kuwa wax qabadka u baahan oo ka baxsan awoodooda

(F) lasocodka canshuraha iyo la dagaalanka contro baanka

( G) uruurinta tirade danbiyada iyo warbixintooda

( H) sugida amaanka xoola dhaqatada iyo ka hortaga dagaalda ka dhasha daaqa iyo biyaha

( J) ka qeyb qadashada maamuusyada iyo dabaal dagyada qaranka

Fulinta amarada ka soo baxa taliyayaasha ciidanka boliska ee la xiriira howlaha ciidanka boliska

Sikooban waajibaadkiisa shaqo hogaanak ka hortaga danbiyada intaan ayaan ku soo koobayaa “ ayuu yiri G/Sare Cali Xasan Cawaale ( Cali Saciid ) isaga oo shaagay in uu ku faraxsan yahay ka soo qeygalka xaflada inta jogtay iyo xarig ka jarida xafiiska dib u habeynta lagu sameeyey

Taliyaha hogaanka sareeye guuto Yuusuf Xuseen Cusman (dhuumaal ) oo faafaahin dheraad ah ka bixiyey dhismaha iyo qarashkii galay dib u habeyntiisa wuxuuna sheegay in dhismahaan uu ka koobanyahay 23 xafiisk 7 qol oo jiif ah iyo hool weyn oo qaada 20 baabur iyo barxad weyn isaga oo xusay in ay gacan a geysteen dib habeynta algu sameeyey xaruntaan gudoomiyaha gobolka banadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere )

Wuxuuna intaa ku daray in waaxyada uu u kala baxo ay ka mid yihiin waaxda how galinta ,waaxda nabad galyada wadooyinka ,( tarafiko ) waaxda xiriirka gobolada , birmadka boliska somaliyeed waaxda gurmadka deg dega ah

Sidoo kale waxaa hoos yimaada qeybaha jamhuuriyda somaliya oo idil sida uu warbixintiisa ku sheegay Taliyaha hogaanka sareeye guuto Yuusuf Xuseen Cusman (dhuumaal ) guud ahaan ilaa iyo hada meelaha ciidanku joogo waa sidaan Mudug waxaa joogo tiro ciidan boliis oo dhan 86, Galgaduud waa 60, Hiiraan waa 102 ciidan ah ,Shabeelaha hoose waa 30 ciidan bolis ah gobolka Bay waa 760 askari Bakool waa 24 ciidan bolis ah gobolka Gedo waa 36 ciidan ah, Jubada hose waxaa joogo tirop ciidan bolis ah oo dhan 10 askari sidoo kale Jubada dhexe waxaa inoojoogo 24 askari, Gobolka Banadir oo ah mid rabshaduhu ay diloodeen ayuu ku sheegay talihaya hogaanka sareeye guuto Yuusuf Xuseen Cusman (dhuumaal ) in ay joogaan 2600 ciidan bolisk ah birmadka boliska waa 186 askari gurmadka deg dega ah waa 50 wuxuuna ciidan nabad galyada wadooyinka ee taraafiko ayuu ku sheegay in ay dhanyihiin 89

Intaa ayuu ku sheegay in ay ka jelaan inta badan war subaxeedyada ay ku howlgalaan maan u soo jeedin wx dhaliil iyo amaan ah midnaba balse wuxuu sheegay in uu isagu si weyn ugu faraxsan yahay xaflada maanta ka dhacday xarunta 888 ee ciidanka boliska somaliyeed

Sidoo kale mas’uuliyiintii halkaa ka hadashay waxaa ka mid ahaa taliyaha ciidanka boliska somaliyeed janaraal cabdi xasan cawaale (Qeybdiid) oo sheegay in ay farxad weyn u tahay furitaanka xafladaan in uu xariga ka jaro madaxweyne Cabdulahi Yuusuf Axmed hogaanka howlaha ka hortaga danbiyada oo ka mid ah lixda hogaan iyo akadeemiyada cidanka ee uu leeyahay ciidanka boliska somaliyeed waxayna ka dhasheen dib u habeyntii ciidanka boliska ee lagu gudoonsaday sanad guuradii 64aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka boliska somaaliyeed 2007dii

Ugu danbeyntii ayaa waxaa halkaa ka hadlay madxweynaha Df Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in xaflada maanta ay tahay xaflad tii ugu horeysay oo goob dayactir lagu sameeyey oo uu ka qeyb galo isaga oo ugu baaqay in maamulka xakuumada ay howlahooda laba jibaran wuxuuna xusay in ay weiba dayn sii qaataan balse aan lagu tagri falin wuxuuna sheegay in dagaal nin yaqaanaa uusan ku degf degin mar uu ka hadlayey arimimaha nabad galyada

Madxweyne cabdulaahi yuusuf waxaa kale oo uu sheegay in uu dhinaciisa howlo lagu dayactirayo ka wado gudaha madaxtoodaya loona baahan yahay in qof walbo dhankiisa la doonayo

Xaflada maanta ayaa ku soo gabagabowday si nabad galyo ah waxaana uu salaam madaxweyne ka qaata cutub ka tirsan ciidanka baambayda boliska

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com

Xaruntii hore ee Oto Oto

Xigasho Midnimo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: