Buula-Barde
Halkaan ka akhri
Ciidamada gumeysiga Ethiopia oo ka guuray Magaalada Buula Barde ee Gobolka Hiiraan kadib markii ay ka warheleen in laweeraray Kala-Beyr.
Ciidamada gumeysiga Ethiopia ee shalay galay Degmada Buula Barde ee gobolka Hiiraan ayaa maanta degay mel 5KM u jirta Magaalada oo lagu magacaabo Berdaha.
Ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa shalay tagay magaalada Buula Barde ee gobolka Hiiraan, iyagoo ay hor kacayeen Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee lashaqeeya gumeysiga Yuusuf Dabageed iyo masuuliyiin ka tirsan Gobolka Sh/hoose oo labo maalin ka hor ay ka eryeen magaaladasi xoogagga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed.
Ciidmadan ayaa ilaa shalay waxaa ay ku sugnaayeen magaalada Gudeheeda kuwasi oo halkasi ka waday dhaq dhaqaaq ciidan oo ay ku sameeynayeen magaalada Buula Barde.
Wararka laga helayo magaalada ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada gumeysiga Ethiopian ay u gurteen dhanka Bari oo lagu magacaabo Bardaha oo 25KM u jira degmada Buula Barde ee gobolka Hiiraan.
Sidoo kale waxaa iyana degan xaalada Degmada Buula Barde oo labo maalin ka hor ay dagaalo ka dheceen waxaana sidoo kale dadka deegaanka ay ku mashquulsan yihiin Aasidda meydad laga helay gudaha iyo daafaha Degmada Buula Barde ee gobolka Hiiraan.
Ka guurista Ciidamada gumeysiga Ethiopia ee magaalada Buula Barde ayaa lasheegayaa in ay kadambeyso kadib markii xoogagga Maxaakiimta ay weerar ku qaadeen maalinnimadii shalay fariisimo ay ciidama kale oo Ethiopian ah ku lahaayeen Kala-Bayr-ka, kuwaasi oo ay kaceyriyeen fariisimahoodii Kala Bayr-ka.
Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada gumeysiga Ethiopia ay u gurman waayeen ciidamadii kale ee laga kala cayriyay fariisimaha Kala Bayr-ka, kadib markii loo sheegay ciidamada gumeysiga in ciidamo kale ay wadada ugu jiraan sidaa darteedna degay meel 5KM u jirta Degmada Buula Barde ee gobolka Hiiraan.
SomaliSwiss Hiiraan
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.