Hey’adaha Mareykan-ka ugu qaabilsan qaxootiga oo ku baaqay in la dhaleeceeyo tacadiyada ka dhanka ah Aadanaha ee ay Ethiopian-ka ka geysanayaan dalka Soomaaliya.

qaxooti1.jpg 

Gumaadka Shacabka

Hoos ka eeg warkii oo English ah

Halkaan ka akhri

“Weerarada joogtada ee Mareykanka uu ku hayo koonfurta Somalia ayaa ah caqabada hortaagan dadaalada loogu jiro heshiis nabadeed ka islaaxa dalkan ku yaal geeska afrika, ayaa lagu xusay warbixin ka soo baxday hay’ad samafal oo ku taala dalka Mareykanka.

WARBIXINTA AYAA U QORNEYD SIDA TAN

Dowlada ku meelgaarka ah ee Taagta daran ee Somaliya ayaa waxay Muqdisho, caasimada Soomaaliya gaartay dhamaadkii 2006 iyadoo ay horkacayaan Ciidamo Ethiopian ah, kuwaas oo meesha ka saaray Midowgii Maxkamadaha Islaamiga, oo ka talinaayay inta badan ee Koonfurta Soomaaliya, Kooxdaas ayaa Hadeer hormuud ka ah kacdoono ka jira dhamaan dalka Soomaaliya.

Sanadkii tagay iyo wixii xigayba, wuxuu Mareykanka bartilmaameedsaday, koox uu kaga shakisanyahay wax uu ku sheegay Argagaxiso, asagoo isticmaalaya Gantaalo, Waxuuna ku daray kooxaha kacdoonka wada garabkooda militari Liiskiisa argaxaisada.

“Faragelinta military ee uu mareykan-ku ku hayo Soomaaliya waa mid lugooyo ku ah horumarkii lagu gaari lahaa xal Siyaasadeed, isla markaana waxa uu sii xoojinayaa kooxaha kasoo horjeeda Siyaasada Mareykanka.

Iyadoo ay kor usii qaadi doonto dhibaato Mareykan-ka kaga imandoonta geeska afrika.” Hay’ada qaxootiga caalamiga ayaa sidaas ku qortay Warbixin ay ugu magac dartay : “Somalia: Proceed with Caution.” (SOMALIA: KA TAXADAR )

War bixintan waxay ku soo aaday maalin ay ku dhowaad 200 dagaalyahano Maxkamadaha Islaamiga ka tirsan, oo aad u hubeysan ay la wareegeen magaalo ku taal bartamaha Somaliya oo lagu magacaabo Buula Barde, iyagoo weeraro ku qaaday kolonyo ciidamo ah oo marayay Tuulo aan ka fogeyn meeshaasi, sidey xaqiijiyeen dadka ku nool degaankaasi.

Dagaalo ba’an oo ka socda caasimada Muqdisho ayaa iyana la sheegay in ay ku nafwaayeen ugu yaraan afar qof, oo ay ku jiraan Laba askari, ugu yaraana Shankalena ay ku waxyeeloobeen, sida laga soo tebiayay dad goobjoogeyaal ah.

Safaarada Mareykanka ee ay ku leedahay dalka Kenya, isla markaana ku howlan arimaha Somaliya, ayaa iyana ka gaabsatay in ay ka bixiyaan jawaab deg deg ah warbixintaasi.

Hay’ada Qaxootiga caalamiga, Refugees International “Waxay aad ugu boorineysaa Dowlada Mareykanka inay daleeceyso, Xadgudubyada xaquuqul Insaanka ee ay gaysanayaan ciidamada Ethiopia ,” Ayey ku sheegeen warbixintooda.

Hay’adu, “waxay usoo jeedinesay Koongerska Mareykanka in ay baaritaan ku sameeyaan taageerada Military, inaaney ka hor imaaneyn sharciyada dalka USA.”

Ethiopia waxay horey dhowr jeer u dafirtay in ciidankeeda ku sugan yihiin Somaliya iyagoo si ula kac ugu tunteen xaquuqul insaanka.

Hay’adan Caalamiga ee Qaxootiga, Refugees International, waxay kaloo ku tilmaantay warbixinteeda in xal Siyaasadeed la isku waafaqo oo dhexmara, dowladda KMG cagaha la’ & Kooxaha kasoo horjeeda, ay tahay “Sharuuda ugu horeysa oo uu caalamka ku xeray si ay ugu yaboohaan Somaliya Ciidan nabad ilaalineed iyo Taageero xag dhaqaale intaba.”

Hay’adan Refugees International, waxay kaloo ku xustay qoraalkeeda, in Hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay hoostagaa, ay yahiin “kuwo ay ka tanbadisay xaalada adag ee is bedelka badan kana taagan dhulka ay ku sugan yahiin ee Somalia,” Halkaasoo ay daadsan yahiin dad ka badan 1 Milion oo qof, guryahoodii kaga soo cararay dagaalada joogtada ah.

Shaqaalaha Hay’adaha caalamiga waxay ku sugan yihiin caasimada dalka la jaarka ah ee Kenya, Nairobi, iyagoo amaan darida Somali ka jirta aanay ku howl gali Karin Soomaaliya, islamarkaasna aaney haysan shaqaale Soomaali ah oo ku filan oo ka howl gala dalka gudihiisa.

Guillermo Bettocchi, oo ah, mas’uulka u qaabilsan Qaramada Midoobay, qeybteeda qaxootiga ee Soomaaliya ayaa asigana cadeeyay, in Warbixinta ay soo saartay Hay’adan Refugees International, ay tahay “mid xaqiiqo ah.”

“Aad ayaan ugu walaacsanahay, laakiin waxaan ka shaqeyneynaa sidii wax looga qaban lahaa arimahani,” Bettocchi ayaa sidaa yiri The Associated Press, oo ka wareysatay arinkaas, asigoo raaciyay taasi, inay tahay “arimo isku dubarid u baahan” oo mudo qaadan karta si loo helo shaqaale ku filan oo Soomaaliya ugu howl gala.

Bettocchi waxaa kaloo uu sheegay in Hay’ada UNHCR, ay ku gudo jirto dhisida Derbiyo shub ah oo aanan Karin Gantaalada “bunker” oo ku yaal meel aan ka fogeyn Airport-ka Aden Cade, Taasoo u fududeyn doonta iyaga iyo Hay’adaha kale inay kordhiyaan shaqaalahooda ku sugan magaalada Muqdisha, isla markaana uu amaankoodu sugnaandoono, Bettocchi waxuu intaa raaciyay in howshu dhamaad doonto, oo ay Isbuucyo kaliya ka harsan yahiin.

SomaliSwiss Tarjume Mohamed

SomaliSwiss@hotmail.com

Aid Group Criticizes US on Somalia

NAIROBI, Kenya (AP) — U.S. attacks on Islamic extremists in Somalia are undermining attempts to find a peaceful solution for the troubled Horn of African nation, a Washington-based aid agency said Monday.

A shaky transitional government took over Mogadishu, the Somali capital, in the last days of 2006 with the help of Ethiopian troops, unseating an extremist Islamic movement that had reigned for six months over most of southern Somalia. Now remnants of the Islamic movement are waging an insurgency.

In the past year or so, the U.S. has targeted suspected terrorists using missile strikes and added the military wing of Somalia’s Islamic movement to its list of foreign terrorist organizations.

“These military actions undermine the diplomatic push for political reconciliation and galvanize extremist elements, reinforcing the very threat that U.S. policy in the Horn of Africa is meant to address,” Refugees International said in a report titled “Somalia: Proceed with Caution.”

Its assessment came on the same day nearly 200 Islamic fighters armed with rocket-propelled grenades and machine guns seized a central Somali town and attacked a military convoy in a nearby village, residents said.

Heavy fighting in the Somali capital killed at least four people, including two soldiers, and wounded five others, according to witnesses.

Officials in the U.S. Embassy in Kenya, which is also responsible for Somalia, were not immediately available for comment.

Refugees International “strongly encourages the U.S. administration to condemn human rights violations committed by the Ethiopian forces,” the report says. The organization, “recommends that the U.S. Congress investigate any military support that was provided to Ethiopia to ensure it adheres to U.S. law.”

Ethiopia has in the past denied that its troops have violated human rights in Somalia.

Refugees International also said a political agreement between the shaky Somali government and its opposition was “the principal prerequisite for greater military and political engagement from the international community.”

Refugees International said U.N. agencies working in Mogadishu are “out of touch with the fast changing realities on the ground,” where more than 1 million people have been displaced from their homes.

International staff are based in neighboring Kenya’s capital, Nairobi, for security reasons and lack enough Somali staff on the ground, the report said.

Guillermo Bettocchi, the U.N. refugee agency’s Somalia representative, said Refugees International’s assessment of the U.N.’s working conditions in Mogadishu was “quite realistic.”

“We are frustrated, but we are working to address these issues,” Bettocchi told The Associated Press, adding that it has been a “very bureaucratic” process to get approvals for the staffing they need in Somalia.

Bettocchi said that the U.N. High Commissioner for Refugees is building “almost a bunker” near a major airport 30 miles away from the center of Mogadishu that will allow his and other U.N. agencies to increase their staff in the city while keeping safe. Bettocchi said it would be completed in about two weeks.

 

Associated Press writers Mohamed Olad Hassan, Salad Duhul and Mohamed Sheikh Nor in Mogadishu, Somalia contributed to this report.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: