Guriga Wasiirka Arimaha Gudaha Muuse Nuur Amiin oo ay xalay kooxo hubeeyan weerar ku qaadeen kaasoo geystay dhimasho iyo dhawacba.

MUUSE NUUR 

Muuse Nuur & Ibrow

Halkaan ka akhri

Weerar gaadma ah ayaa lagu qaaday gurigii uu degganaa Wasiirka Arimaha Gudaha Muuse Nuur Amiin waxaana  ku geeriyooday hal qof oo ilaaladiisa ka mid ahaa, labo kalena waa ay ku dhawacmeen, kadib markii xalay weerar lagu qaaday ilaaladii guriga wasiirada Arimaha Gudaha ee dowlada KMG ah ee la shaqeysa Gumaysiga Ethiopia.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay weerareen kooxo hubeeyan Qaar ka mida illaalada Wasiirka Arimaha Gudaha Muuse Nuur Amiin iyo Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Max’ed Ibraahin Xaabsade oo ku sugnaa meel aan sidaa uga fogeeyn guriga Wasiirka Arimaha Gudaha.

Ha yeeshee labada dhinaca ayaa waxay is weeydaarsadeen Rasaas mudo kooban socotay waxaana israsaaseeyntaasi ku geeriyooday mid ka mid ah illaaladasi uuna dhawac soo gaaray laba kale oo isla illaaladaas ah, waxaana dhawac kale uu soo gaaray haweeneey ka mid ah dadka deegaanka oo rasasta ay ugu tagtay meel aan sidaa uga fogeeyn halka uu falkasi ka dhacay ee KM 4 ee magaalada Muqdisho.

Balse ma ahan markii ugu horeeysay ee falal sidan oo kale ah ay ka dhacaan magaalada Muqdisho waxaana degan saaka halkii uu xalay falkas iska hor imaadka ah ka dhacay.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: