Dowladda Norway ayaa shaaca ka qaaday in ay ka fiirsaneyso ku lug lahaanshaheeda dhinaca dhaqaale ku bixinta arimaha dalka Soomaaliya.

calanka-denmark.png

Norway

Halkaan ka akhri

Dowladda Norway ayaa shaaca ka qaaday in ay ka fiirsaneyso ku lug lahaanshaheeda dhinaca dhaqaale ku bixinta arimaha dalka Soomaaliya.

Dowlada Norway ayaan sii wadi doonin, isla markaasna joojin doonta dhamaan taageerada dhaqaale ee ay ugu yaboohi laheyd ciidamada amni sugida ee dalalka afrikaanka (AMISOM) doonayeen Somaliya.

Dowlada Norway, ayaa taasi raacisay inay ka Baxday oo ay iska casishay xilkii ay ka haysay Qubarada loo xilsaaray Somaliya ee loo yaqaan the International Contact Group on Somalia.

Dalka Norway oo la wadaaga dowlada Mareykanka, gudoonka gudigaan caalamiga ah ee arimaha Somaliya, oo loo yaqaan International Contact Group on Somalia, waxaa la dhisay sanadkii 2006.

Gudigan qubarada ah waxaa ka mid ah, dowladaha Talyaaniga, Sweden, UK, Tanzaniya, Mareykanka, Midowga Yurub & Norway.

Dowlada Norway ayaa isugu yeertay shir dhamaan dalalka kula jira Gudiga, dhamaadka Bishan April ee 2008, iyadoo ku wareejin doonta mas’uuliyadaas xoghayaha qaaska ee Qaramada midoobay u qaabilsan dalkan Soomaaliya Ahmedou Ould Abdalla.

Xoghayaha arimaha dibedda ee Dowlada Norway, Raymond Johansen, ayaa ka dhawaajiyay in Norway ay aaminsan tahay howshaasi in ay kaga haboon tahay Qaramada Midoobay, si nabad loogu soo dabaalo dalka Soomaaliya, waayo, Qaramada Midoobay waxay leedahay awood u saamaxeysa arinkaas, iyo weliba iyadoo xoghayaha qaaska ee ay Qaramada Midoobay Ahmedou Ould Abdalla uu xeriir adag aan la dhayalsan Karin la leeyahay dhammaan kooxaha isku haya Siyaasadda Dalka Soomaaliya.

HALKAAN KA AKHRI WARKA OO ENGLISH AH

SomaliSwiss Norway Rolleiv Solholm

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: