Diyaarad loo maleeyay in ay aheyd kuwa wax basaasa oo ku dhacday degmada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose.

diyaarad-basaas-ah.jpg 

Dayaarad dhacday

Halkaan ka akhri  

Warar is-khilaafsan oo kala duwan ayaa ka imaanayo  Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose, wararkaas oo sheegaya in dayaarad nooca basaaska ah oo loo maleeyay in ay goor dhaweyd kus oo dhacday degaanka Baraawe, balse wali  lama hayo  xaqiiqada dhicitaanka dayuuradaas. 

Dadweynaha deegaanka Baraawe ayaa sheegeen in diyaaradaas ay ku dhacday badda, iyadoo si hoose u dul-heehaabeysay magaalada Baraawe, kadibna ay u dhacday dhanka badda. 

Si kasta ha ahaatee qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in diyaaradaad aysan dhicin, ha yeeshee ay leeyihiin haddii ay dhacday ama hadii kaleba ay arkayeen in diyaaradaas ay  jawwi hoose ku socotay, dadweynaha Reer  Baraawe ay baqdin galisay . 

Ilaa iyo hadda war xaqiiqa lagama hayo xaaladda dayaaradan,  hase ahaatee dhawaan ayay aheyd marki dayaarad basaas ah ay ku soo dhacday deegaanka Cagaaran ee duleedka magaalada Marka halkaasi oo dad badan ay ku arkeen diyaaradaasi oo duuliye la’aan aheyd.

SomaliSwiss Baraawe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: