Xoogagga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed oo xoog kula wareegay gacan ku heeynta degamada Buula Barde ee gobolka Hiiraan.

maleshiyo.jpg

Xoogagga Maxaakiimta

Halkaan ka akhri

Xoogagga Maxaakiimta Islaamka oo sheegay in ay guud ahaan la wareegeen gacan ku heeynta magaalada Buulo-Barde ee gobolka Hiiraan, kadib dagaalo xoogan oo ay la galeen Maleeshiyaadka dowlada KMG ee uu hogaamiyo Yuusuf Dabageed.

Afhayeenka Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga Somalia Sheikh C/raxiin Ciise Caddoow ayaa sheegay in guud ahaan dagaalkii ay la galeen Ciidamada labada Maamul ee gobolada Hiiraan iyo Sh/hoose ay guulo ka soo hoyeen isla markaana ay gacanta uga dhigeen gawaari dagaal oo gaareeysa illaa 6 iyo Baabuur uu lahaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Sheikh C/raxiin Ciise Caddoow in ay ka gubeen Maleeshiyaadka Dowlada hal Baabuur oo ah nooca dagaalka isla markaana ay jab xoogan u geeysteen Maleeshiyaadkaasi, sida uu sheegay afhayeenka Ciidamada Maxaakiimta Islaamka.

“Waxaan ku daba joognaa jidkii ay mareen Dabageed iyo Intii la socotay, waana soo qaban doonaa illaah idankii” ayuu yiri Shiikh C/raxiin Ciise Caddoow.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in qaar kamida ciidamada Dowlada ay ku heeraarsan yihiin isla markaana ay is dhiibi rabaan waxaana uu meesha ka saaray masuulkaasi in dhankooda ay soo gaareen wax dhibaato ah.

Ma’ahan markii ugu horeeysay ee gacanta looga dhigo Maleeshiyaadka dowlada, waxaana todobaadkii tegay ay la wareegeen magaalada Jowhar iyo degmada Mahadaay Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga Somalia kadibna ay isaga bexeen.

Weli wax hadal ah kama soo yeerin Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, dagaaladan looga qabsaday Degmada Buulo Barde.

SomaliSwiss Hiiraan

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: