Xoogaga Mujaahidiinta Al-Shabaab oo weerar gaadma ah ku qaaday Maleweshiyaadka Dowladda, kana qabsaday hub.

mujahidinta_dunida.jpg 

Xoogagga Al Shabaab

Halkaan ka akhri

Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliya, garabkooda Al-Shabaab waxay Xaley saqdii dhexe weerar qorsheysan ku qaadeen bar Control oo Maleeshiyaad ka tirsan kuwa dowlada KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Ethiopia ku lahaayeen tuulada Ceel Cadde oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa weerarka qorsheysan ee ay ku qaadeen bar Kontrol ee ay Maleeshiyaadka dowlada ku lahaayeen tuulada Ceel Cadde, si rasmi ahna gacan ku heynteeda ugala wareegeen Maleeshiyaadkii halkaa ku sugnaa.

Waxaa sidoo kale xogaga Al-Shabaab, ay ku qabsadeen weerarkii xaley ay halkaa la beegsadeen hal Gaadhi Oo Cabdi Bille ah oo uu saarnaa qorigi loo yaqaan Dhashiikaha iyo dhowr Sanduuq oo rasaastiisa ah, waxayna kale wareegeen Maleeshiyaadka dowlada jawaan lacag ah, oo ciidamadii halkaa ku sugnaa ay ka carareen.

Warka ayaa wuxuu intaa ku darayaa in Khasaara naf iyo maalba leh uu soo gaaray Maleeshiyaadka dowlada, weerarkii xaley ay ku qaadeen Xoogaga Mujaahidiinta Al-Shabaab barta Kontrol ee ay ku lahaayeen Ceel Cadde, ayaa lagu sheegay 3 dhimasho ah, waxa ayna Xoogaga Mujaahidiintu ka qaateen sidoo kale 3 qori oo Ak47, oo ay wateen 3 askari ee la diley.

Balse Maleeshiyaadka dowlada KMG ah ee barta kontrol ku sugnaa ayaa lagu qiyaasey tiradooda 10 askari, iyada oo intii badbaadey ay careen, marka laga reebo 3 askari ee uga dhimatey weerarkii xaley lala beegsadey bartooda kontrol.

Si kasta ha ahaatee weerarada sidan oo kale u dhaca ee gaadmada ah ee lala beegsado fariisimada ciidanka gumeysiga Ethiopia iyo kuwa la shaqeeya ee Dowladda KMG ah ayaa ah kuwo u geysta khasaare naf iyo maalba leh, kuwaas oo ay fuliyaan Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidanka gumeysiga iyo huwanta kale ee la shaqeysa gumeysiga.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: