Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM. ugu qaabilsan arimaha Soomaaliya Ahmedou Ould Abdalla.

Sh. Shariif

Sheikh Shariif

Halkaan ka akhri

Sheikh Shariif Sheikh Axmed Gudoomiyaha gudiga fulinta ee Isbahaysiga Dib-U-Xorayta Soomaalia ayaa markii ugu horaysay waxaa uu la kulmay Ergayga gaarka ah ee QM. u qaabilsan Arrimaha dalka Soomaalia, Ahmedou Ould Abdalla.

Sheikh Shariif & Ahmedou Ould ayaa waxaa ay ka wada hadleen qaabkii loo bilaabi lahaa kulanka dhexmaridoonaIsbaheysiga uu madaxda u yahay Sheikh Shariif & Madaxda Dowladda KMG.

Sheikh Shariif ayaa kulanka kadib Taleefishinka Al-Jazeera waraysi uu siiyay kaga hadlay waxyaabihii ay ka wada hadleen iyaga iyo waliila u qaabilsan QM. arimaha Soomaaliya, Sheikh Shariif ayaa waxaa uu sheegay in ay kawada hadlayeen sidii loo bilaabi lahaa shirka ay lagalayaan Dowladda KMG isagoo sheegay in wali wax natiijo ah laga gaarin kulamada ay qaateen.

Sheikh Shariif ayaa waxaa waraysiga uu siinayay TV-ga Al-Jazeera ku cel celiyay inay shuruud ku xiran tahay kulan ay la qaatan Dowladda KMG, isagoona sheegay in marka hore Dalka looga baahanyahay in laga saaro Ciidamada gumeysiga Ethiopia ee qabsaday dalka Soomaaliya ayna joojiyaan xadgudubyada ay dalka ka wadaan.

Ugu dambeyntii Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay in loo baahan yahay in la eego dhibaatada dhabta ah ee ka taagan dalka Soomaaliya, taasoo uu Aduunku wada ogyahay, hadii aan xal lahelina aysan wax wada hadal ah qabsoomi doonin, isagoo sheegay in taas macnaheedu tahay in marka hore dalka laga saaro ciidamada cadowga dowladda Ethiopia.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: