Ma’uuliyiinta Sare ee Isbahaysiga dib u Xoreynta oo magaalada Nairobi kaga qayb galay kulamo lagu gorfeynayo Siyaasadda Soomaaliya.

Somalia 

Isbaheysiga

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Golaha fulinta ee isbaheysiga dib U Xoreynta Soomaaliya Sheikh Sharif sheikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shaley galab gaarey magaalada Nairobi ee xarunta dalka keyna, isla markaasna horeyna uga sii horeeyeen wafdi ka tirsan isla Isbaheysiga oo uu ka mid yahay Gudoomihaya Golaha dhexe ee Isbaheysiga Sharif Xasan Sh. Aadan, ayaa soo dhaweyntiisa waxa ka qeyb qaatey u qaabilsanaha arimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Ahmadou Wald Abdalla iyo qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi.

Sh Sharif iyo Ahmadou Wald Abdalla ayaa yeeshay kulamo horudhac ah oo aan saxaafada loo soo bandhigin wixii ay ku saabsanaayeen, balse hadda loo ballansan yahay in laga wada hadlo arrimo ku saabsan dib u heshiisiinta uu dhawaantan ku dhawaaqey Nuur Cadde iyo kulamo horudhac ah oo laga yaabo in Nuur Cadde la yeesho wafdiga ka socda isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

Hase ahaatee Ururka Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa horey shardi ku xiray wadahadal dhex mara iyaga iyo DKMG ah, kaas oo ahaa in marka hore wadanka laga saaro ciidanka gumeysiga Ethiopia, ka dib wixii wada hadal ah ay furan yihiin.

Waxa sidoo kale la filayaa in wafdiga ka socda isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya uu kulamo la qaato qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Reer Yurub ah ee ku sugan dalka Kenya.

Balse waxaa jira warar laga helay ilo wareedyo muhim ah ayaa sheegaya in Maxamed Qanye Afrax uu Sheikh Sharif Sh Axned ku booqdey Hotelka uu ka degan yahey magaalada Nairobi oo halkaa uu ku dhex marey wadahal aan la shaacin waxa uu ku saabsan yahay.

SomaliSwiss Nayrobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: