Gaari uu la socday Xildhibaan Jaamac Xaaji Xuseen oo lagu Rasaaseeyey isagoo marayey agagaarka magaalada Wanla-weyn.

gaari-la-gubay.jpg

Xil. la dhaawacay

  Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xildhibaan ka mid ah baarlamaanka dowlada KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya iyo 2 qof oo kale oo la socodey ayaa ku dhaawacmey ka dib markii dabley hubeysan ay rasaaseeyeen gaarigii ay saarnaayeen, iyagoo marayey agagaarha degmada Daafeet ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Xildhibaanka oo maanta ku dhaawacmey  ayaa waxaa lagu magacaabaa Sh Jaamac Xaaji Xuseen, basle Dhaawaca soo gaarey xildhibaankan iyo 2 da qof ee kale ee la socotey gaarigiisa ayaan la ogeyn inta uu leegyahay dhibka ka soo gaaray xabadihii ku dhacay.

Dableyda hubeysan oo aan la garanaynin heebtooda iyo sababta ka danbeysa rasaaseeynta gaariga uu watay Sh Jaamac Xaaji, ha yeeshee Xildhibaanka iyo labada qof oo la socotay ayaa ka tagey magaalada Muqdisho, waxayna ku sii jeeday magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Baarlamaanka DKMG ah.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Xildhibaan Jaamac ay ku weheliyeyna safarkiisa 5 qofood oo aan la kala ogeyn in ilaaladiisa ahaayeen iyo in kale.

SomaliSwiss Muqdhisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: