DOQONI QUFACDAY MEEL LAGA RAACAYNA MA OGEE SOOMAALIYEED HOTA XAGEE LAYNAGA TAFTAAFAY.

Maqaal

Timajilic (Abu-Cali)

Halkaan ka akhri

Nika caddi markuu dalkeena yimi wuxuu lahaa dano gaadh ah oo kala duwan, wuxuuna isku dayey inuu helo Wado uu ku fuliyo. Hor iyo abaato wuxuu isticmaalay xoog iyo amar ku taaglayn , waxayna kaga jowaabtay ummadu kacdoon iyo halgan kulul, markii uu taas faraha kaga gubtay ayuu ged kale uga diga rogtay si uu xooga shacabka u kala dhantaalo, kaas oo ku salaysnaa wadajir iyo israac, kaas oo ay hogaaminayeen culimadu.

Nasiib darro cadawgii waa inaga il helay markii uu ogaaday inaan leenahay iin iyo boog halis taas oo ahayd qabiilka ayuu keenay fikradii ahayd qaybi oo xukun(divide and rule) taas oo noqotay mid aan ka kori waynay oo ilaa maanta shaqaynaysa dhibkeediina aan la heeda- daabayno.

Qabiilku ma ahayn mid ku kooban dhaqanka miyiga balse wuxuu noqoday mid lagu habeeyo siyaasadda iyo hoggaanka dalka degay halka laga hogaamiyo ummadda ,sidaa darteed wuxuu noqday mid xididdada aastay oo aan liijin karin.

Dhinac kale markuu ogaaday in diintu tahay midda kaliya ee sugi karta midnimo dawana u noqon karta isnacaybka iyo tafaraaruqa uu abuuray ayuu ku dadaalay inuu meeshaba ka saaro, taas noqotay guushii labaad ee ku geeraaro gumaysiga markuu diintii ka dhigay wax masjidka ku eg oo aan maamulka meel ku lahayn sida ay horayba bible-kooda uga dhigeen mid aan soo dhaafi karin kaniisadda.

Guushaa waxaa suurta geliyey dadka oo ay ku yarayd aqoonta diinta iyo culimaddii wax tiqiin oo uu laa’yey soo reebayna xoogaa ahlu-khuraafaad ah (qubuuriyiin ama qaadiriya). tan kale wuxuu iska ilaaliyey inuu diinta wax sheego waayo dadku ma ogolayn diinta la farageliyo, wuxuuse ku dadaalay inuu maamulka ka dheereeyo, waxaa maanta la yaab leh wixii gaalkii wax gumaysanayey ka xishooday in maanta kuwa mulsin sheeganaya ay ka xidhoon waayeen oo ay diintii wax ka sheegayaan(qaatalahumullaah).

Inkastoo waxaas oo hagardaamo iyo hadimo ah ummadda loo gaystay haddana halgankeedu maalinta heer ha joogee waa taxnaa, ninkii yurub ka yimi sahal uma ledin, markuu arkay inuusan ummaddan gacan ku hayn karin ayuu hindisay mardadabo hor leh taas oo ahayd

Si danihiisii u fulaan wuxuu meeshii u diyaariyey rag muuqa inoo eg laakiin maskaxdiisii wata oo uu soo tababaray , waa tuu lahaa gabyaagii soomaaliyeen( ISMA DOORIN GAALKAN DIRIYO DAARTA KII KORAY, DUSHA MIDABKA SOOMALIBAAD DIIR MOODAAYE), Markaas ayaa hogaamiyeyaal Gumaysi dhalay ummaddii majaraha u qabteen , shakina ma leh in kuwaasi aysan ehel u ahayn horseedka shacabka , beesha inay gurya samo geeyaanna aan laga sugayn , waana kuwii inagu furay geerigo’an lama degaan ah .

Tan labaad waxaa laynaga dhaadhiciyey in kii shalay ina gumaysanayey ee godobteenu fadhiday inoo yahay masuulka danaheena tawliya oo dadka kale inooga sakeeya ..! cajiib..! waa wax lala yaabo ruux shalay ku dilay , ku raray ,halyey kaa dhaameeyey , daabaqad aan go’in wajiga kaaga dhuftay , iska kaa ilaaliya inaad fahanto ama xusuusato wixii uu ku gaadhsiinyey , danihiisi gaadh ahaaneed weli taagan yihiin , inuu sokeeyo nasteexa ah kuu noqdo oo aad u dabafadhiisato inuu barwaaqo ku gaadhsiiyo.Allayleh waa dhooy la’aan. Markaas ayey ahayd markii aynu si rasmi ah ugu dhacay gacanta gumaysiga, waa markii uu inoo dhalay aqoon yahan aan qorraxduba dhan ay ka xigto aqoon , ahna Pagpagaa wuxuu yiraahdo ka daba yiraahda …..aqoonna ka yaqaan in waxay iyagu yeeriyaan ama u sheeqaan ay ku maqlaan. Waa markii u horaysay ee ay suurta gashay inuu fushado danihiisii isagoo aan xoog iyo xoolo toona ku bixin

Waxaa layna siiyey gobanimo maqaarsar ah , waxaa tagay barasaabkii gumaysiga waxaase hadhay maskasxdiisa ,mar kale ayuu hogaanka inoo qabtay iyadoo dadban,kana khatarsan tii hore , inagoo xor isu haysana ayaa xornimo inaga dheerayd .

Markii laynoo dhisay dawladii gumaysiga bedeshay waxaa dhacday in jagooyinkii waawanaa sida Madaxwaynihii, raisalwasaarihii , wasiiradii iyo agaasimayaashii guud somali loowada dhiibay balse garsoorkii iyo masuuliyiinta sharciga ay weli ku jirtay gacanta gumaysiga . tusaale ahaan Gudoomiyaha maxkamada sare waxaa loo magacaabay Dr. Giuseppe Papale , xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxaa ahaa Dr Carlo Prisco, gudoomiyaha maxkamadda hargaysa waxaa ahaa jabd singh , maxkamada Muqdishu ee racfaanka waxaa loo dhiibay Dr Severino Santiapichi , makaxkamada Racfaanka Haragaysa waxaa loo dhiibay B:O R Rogers. Qaadiga qaadiyada waxaa ahaa Dr Vincenzo Mellano , bal haddaba ummad weli grasoorkeedii ku jiro gacanta gumaystayaashii sidee loo odhan kadhaa waxaa xor. Haba ka yaabin.

Waxaa halkaa ka muuqda sida gumaysigu ugu dadaalay inuu kala fogeeyo ummadda garsoorkeeda iyo shareecadda islaamka. Caddawgeenii ayaan sokeeye ka dhiganay oo danaheenii u dabafadhiisanay iyadoo Allaah subxaanahu watacaalaa inooga digay oo inoo sheegay cadaawaday inoo qabaan, wuxuuna yiri Jallaa wacalaa

(KUWA XAQ RUMEEYOW KA DHIGANINA SAXIIB HOOSE WAX IDINKA IDINKA SOO HADHAY, KUMA GOBOOD FALAAN FASAHAADKIINA, WAXAY JECEL YIHIIN DHIBKIINA, WAXAY KA MUUQATAA CARRADU AFKOODA, WAXAY KU QARSANAYAAN LAABTOODA AYAA KA WAYN, WAXAAN IDIIN CADAYNAY AAYAADKA HADAAD WAX GARANAYSAAN).

Allaah sidaa ayuu inuugu caddeeyaye, hadaynaanse kitaabkaba aynaan hoos eegin oo laga door biday kii gaalku inoo dhaafay sidaa liibaan Allaah looga filan karaa, sideese ciqaabtiisa looga badbaadi karaa,

Miyaanay inagu dhabooyin Hadalkii Rasuulka salallaahu calayhi wasalam ee uu yiri 14 qarni ka hor ( HADDAAD WAX KU KALA GADATAAN RIBO LO’DA DABADA QABSATAAN BEERAHA RAALI KU NOQOTAAN,KANA TAGTAAN JIHAADKA WUXUU ALLE IDINKU SALIDAYAA DULI AAN LAYDIN KA SAARAYN ILAA AAD DIINTIINA U NOQOTAAN ) …Allaahu akbar.

Markaynu kitaabku ka soo qaadanay qayb sida nikaax iyo naxalkii ,salaadii intii kalena tuurnay, basle qaarkood noqdeen wax lala yaabo markii la maqlay , sida kitaab baa laysku xukumayaaa, xuduud baan la oogayaa, qisaastii iyo kuwo kale oo badan ayaynu ka dhaxalay duli iyo halaag, bal u fiirso Allaah hadlkiisa

(MIYAAD RUMAYNAYSAAN KITAABTA QAAR. QAARNA WAAD KU GAALOOBAYSAAN, CIDII SIYAA YEESHA MA AHA ABAALMARINTEEDU, DULI ADUUN IYO CADAAB AAKHIRO MOOYEE),

Haddii laynoo cadeeyey wadadii duliga oo aan idho la’aan isku maqiiqnay miyaanay xaq ahayn inuu inagu dhaboobo waciidkii Allle .

Waxaynu soo gurnay mirihii kuwii gumaysigu ababiyey ee ay igu dambeeyey kacaankii suntiyo boogta daacay, kaasoo isna barbaarshay yeyda baqtigii ummadda 16 sano rifaysa ee gumaysi kii igu liitay midiidinka u ah (xabashi), kana sugi maysaan wax aan ahayn wixii aad horay uga barateen ee ahaa dhaca, kufsiga afduubka .isbaarada iwm . Caqlina waa kay horay u laheen ee amxaaradu u tuntay (kii Alle malaha waa ka lumay kama muuqdee) , mid cusub ka sugi maysaane , ummad yahay is daba qaboo , dabaqabashaaduna waa kitaabka Alle

Waxaan ku soo koobayaa xalkii hal aayad oo ah balanqaadkii Eebbe inoogu yaboohay si aan dhulkan uga taliyo taas oo hal shardi ku xiran haddaan fulino.

Suuratu nuur Ayada 55 aad Alle wuxuu ku yiri Jallaa wacalaa

(Allaah wuxuu u ballan qaaday kuwa xaqa rumeeyey ee camal wanaagsan la yimi inuu dhulka dhaxalsiin doono sidii uu kuwii horeba u dhaxalsiiyey ,diintoodana Alle waa makinayaa uu ugu raaliga yahay cabsidooda ka dib wuxuu ugu bedelayaa amni, haddii ay i caabudaan oo aanay ii shariig yeelin)

Wa bilaahi Tawfiiq

Maxamud xasan Timajilic(Abu-cali)

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: