10 ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa ku dhimatay qarax lagula beegsaday Isgooyska Xarriyaale ee Maagaalada Muqdisho.

ciidamo3.jpg

gumeysiga Ethiopia

Halkaan ka akhri

Qarax xoogan ayaa waxaa uu maanta ka dhacay Isgooyska Florence ee degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday ciidamada gumeysiga Ethiopia.

Qaraxan ayaa ahaa Miinada gacanta laga hago kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 10 Askari, halka intaasi in kabadanna ay ku dhaawacmeen, qaraxan oo ahaa mid xoogan oo si weeyn looga maqlayay Magaalada Muqdisho oo dhan.

Ciidama kale Ethiopian gurmad ah ayaa waxaa ay soo gaareen halka uu qaraxa ka dhacay, xiliga aroornimada waxaana ay isaga tagaan galabkii marki ay maydkooda uruursadeen.

Dhamaan goobahii Gancsiga iyo isku Socodka Dadk iyo Gaadiidka ee wadada Wadnaha ayaa gabi ahaamba istaagay kadib markii uu qarax halkaasi ka dhacay iyadoo ay ciidamada gumeysigana bilaabeen dhaq dhaqaaq xoogan oo ay ku baarayaan guryaha ka ag dhaw goobta uu qaraxa ka dhacay.

Maaha markii ugu horeysay ee ciidamada gumeysiga Ethiopia qarax noocan oo kala ah lagula beegsado magaalada Muqdisho, ama gabi ahaamba dalka Soomaaliya, taasoo ay kadambeeyaan sida lawada ogsoonyahay xoogagga kasoo horjeeda ee Maxkamadihii Islaamka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: