Wasiirka Arimaha Dibada dalka gumeystaha Ethiopia Seyoum Mesfin oo maanta si dhuumaaleysi ah ku yimid Magaalada Muqdisho.

C/llaahi & Siyoum

Labada Murtid

Halkaan ka akhri

Wasiirka Arimaha Dibada dalka Ethiopia Seyoum Mesfin ayaa maanta si dhuumaaleysi ah uga soo degay garoonka Aadan Cadde international Airport ee Magaalada Muqdisho.

Seyoum Mesfin ayaa kulan gaar ah waxaa uu kula qaatay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia Madxweeynaha Dowlada KMG C/llaahi Yuusuf Axmed, kulankaasi oo aan si dhab ah loo ogeyn labada Argagixisda ah waxa ay uga wada hadlayaan.

Warar Aan la xaqiijin ayaa sheegaya in kulankaasi looga wada hadlayo arinta Dib u hishiiniinta ee uu wado Ra’isal Wasaare Nuur Xassan Xuseen ( Nuur Cadde) oo iminka ku sugan Dalka Kenya.

Booqashada uu Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka gumeystaha Ethiopia uu ku yimid Dalka Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay noqoneysaa tii labaad ee uu dalka ku yimaado tan iyo markii Xilka Loo magacaabay Ra’isal Wasaare Nuur Cadde.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: