Sh. Sharif in Nairobi
Halkaan ka akhri
Wafdigii uu hogaaminayo gudoomiyaha Golaha fulinta Isbaheysiga Dib-U-Xoreynta Soomaaliya Sheikh Sharif Sheikh Axmed oo maamlmahan ku sugnaa dalka Suudaan.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahey ayaa waxey sheegayaan in Sheikh Shriif iyo wafdi uu hogaaminayo ay saakay soo gaareen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wafdigan ka socdo Isbaheysiga Dib-U-Xoreynta Soomaaliya ee saaka soo gaarey magaalada Nairobi ayaa horey caasuumad uga helay xubno ka tirsan QM. oo uu ugu horeeyo ninka QM. uqaabilsan arimah Soomaaliya Ahmedou Ould Abdalla oo ku marti qaatey in ay yimaadaan magaalada Nairobi si ay wadahalo halkaasi ugu yeeshaan.
Sidoo kale wafdigan ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho diblumaasiyiin ka tirsan Midowga Yurub oo ku sugan isla dalka Keyna.
Dhanka kale Ra’isal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib-U-Xoreynta Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta ka qeyb galaya kulan loogaga hadlayo arrimo fara badan oo ku saabsan Soomaaliya.
Kulankan oo ay ka qeyb galayaan Nuur Cadde iyo Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Bankiga Aduunka iyo Qaramada Midoobey waxaana loogaga hadli doonaa Arrimaha Dhaqaalaha Soomaaliya.
Warar xog ogaal ah oo nooga yimid Magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Shirkaas lagu casuumay labada dhinac ee isku haya Arrimaha Siyaasada Soomaaliya, waxaana laga soo saari doonaa qodobo badan.
Sidoo kale waxaa kulan ka qeyb galaya Siyaasiyiin rug cadaa ah iyo Shaqsiyaad horay Madaxweyneyaal uga soo noqday Dalal ka tirsan Qaarada Afrika.
SomaliSwiss Nairobi
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.