Maleeshiyaadka dowladda oo maanta faarujiyay Wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho & isu socodkii wadadaas oo caadi kusoo noqday.

wadada wadnaha

Daawo Sawirada

Halkaan ka akhri

Dhoor Bilood kadib ayaa markii ugu horeysay ay Baabuurta BL-ka ah si caadi ah saakay u isticmaalayaan wadada Wadnaha iyadoo ciidamada xooga dalka ee Suuqa Bakaaraha loo sameeyay ay fariisimo ka sameysteen Isgoysyada Aadan Cadde iyo Howl-Wadaag ee Magaalada Muqdisho.

wadada wadnaha

Gaadiidka BL-ka iyo Dadka ayaa saakay si caadi ah waxa ay u isticmaalayaan wadada Wadnaha, taasoo isku xirta Isgoysyada Howl-Wadaag, Aadan Cadde, Bakaaraha, Xariyaale, ilaa iyo sanca ka dib markii shalay gabal Qorax dhicii ay isga guureen Maleeshiyaadka dowladda KMG fariisinkii ay ku lahaayeen Isgoyska Aadan Cadde.

wadada wadnaha1

Wadayaasha gaadiidka BL-ka iyo dad weynaha ayaa saakay waxa ay muujiyeen dareen farxad leh dib u furista Wadada Wadnaha oo in mudo ah u xirneed Maleeshiyaadka dowladda KMG.

Sidoo kale Ciidamada xooga dalka ee dhowaan loo sameeyay Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa saakay fariisimo ka sameystay Isgoyska Aadan Cadde kadib markii ay ka baxeen Maleeshiyaadka dowladda KMG.

Lama Oga ujeedada ay Maleeshiyaadka dowladda KMG uga guureen Isgoyska Aadan Cadde in ay tahay wada hadal dhaxmaray saraakiisha ciidamada iyo madaxda Ganacsatada Gobolka Banaadir oo dhawaanahan ku howlanaa in loo madax banaaneeyo Sugida amaanka Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: