In kabadan 10 qof ayaa ku geeriyootay Madaafiic ay ciidamada gumeysiga Ethiopia ku duqeeyeen gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Bakaaraha

Suuqa Bakaaraha

Halkaan ka akhri

Duqayn aad u xoogan ayay u geysteen ciidamada gumeysiga Ethiopia gudaha Suuqa Wayne ee Bakaaraha islamrakaana la arkayay Madaafiic aad u culculus oo ku dhacaysay gudaha Suuqa Bakaaraha.

Madaafiicdan ayaa waxa ay geysteen Qasaaro naf iyo maalba leh, inta la ogyahayna waxaa ku geeriyootay illaa 10 Qofood, Madaafiicdan ayaa waxay ku soo dhaceen gudaha Suuqa Bakaaraha iyo madfac kale oo guri ay gabar yar kujirtay kula dhacay.

Madaiicdaan ayaa ka danbaysay Hoobiyaal lala bagsaday Ex Villa Somalia, islamarkaana uu ku sugnaa Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka gumeystaha Ethiopia Seyoum Mesfin oo lala beegsaday Hoobiyaal.

Ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa Hoobiyeyaasha kadib waxey madaafiic aan loo meel dayin ku garaaceen xaafadaha Muqdisho, inkastoo ay u badnaayeen madaafiicdaasi Suuqa Weyn ee Bakaaraha.

Shacabka ku dhaqan xaafadaha ay kusocdeen madaafiicda ayaa waxaa la arkaayay ayagoo isku aadinayo Dabaqyadda Shubka ah islamarkaana halmara la faarujiyay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Duqayntan ayaa ciidamada gumeysiga Ethiopia waxey Jawaab uga dhigayeen Madaafiicdii lala beegsaday Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Ehiopia Seyoum Mesfin & C/llaahi Yuusuf oo markaasi shir qarsoodi ah kulahaa Ex Villa Somalia, kadib markii uu si dhuumaaleysi ah ku soo gaaray gudaha Magaaladda Muqdisho.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: