Madax katirsan Isbaheysiga Dib-U-Xoreynta Soomaaliya & Ra’isal wasaare Nuur Cade oo lagu wado in ay maanta ku kulmaan magaalada Nairobi.

amin191

Kulan Nairobi

Halkaan ka akhri

kulamo hor dhac ah oo la filayo in ay isugu yimaadaan xubno ka tirsan dowladda KMG ah ee uu hogaaminayo Ra’isal wasaare Nuur cade iyo Mas’uuliyiinta sare ee Ururka Isbaheysiga Dib-U-Xoreynta Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu ka dhaco Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

kulankaani ayaa lagu wadaa inuu garwadeen ka noqday wakiilka xoghayaha guud eee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somalia Ahmadou ould Cabdalla.

Sheekh shariif Sheekh Axmed oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Fulinta Maxkamadaha Islaamiga hadana ah Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib-U-Xoreynta Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu soo gaaro Magaalada Nairobi.

Hadii kulankaani uu dhaco waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay oo ay isku soo hor fariistaan xukuumada Ra’isal wasaare Nuur cade iyo qaar ka mid xubnaha Isbaheysiga.

Ra’isal wasaare Nuur Cade oo iminka ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in dowladda KMG ah ay qaadayso talaabooyinka muhiim u ah sidii looga hortagi lahaa macluul ka dhalata wadanka Somalia islamarkaana ay dowladiisu fududeynayso sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku habsatay.

Ra’isal wasaare Nuur Cade waxa uu ka hadlay rajada uu ka qabo in dalka Soomaaliya la keeno ciidamo ka socda Qaramada Midoobay si ay u bedelaan ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwa Midowga Afrika waxaana uu muujiyay in arrintaasi dhici doonto.

Ray’isal wasaare Nuur Cade waxa uu soo maray inta uusan iman Nairobi oo kulamo kula soo qaatay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia Mas’uuliyiinta madaxda Ururka Midgowga Afrika, isagoo sheegay in la xoojiyo howlgalka Amisom ee ka socda wadanka Somalia.

Dowladda talyaaniga ayaa deeq lacageed ugu yaboohday dallka Somalia waxana guddoomay Ra’isal wasaare Nuur Cade.

Lacagtaasi ayaa la sheegay in lagu bixinayo tababarida iyo qalabaynta Ciidamada Booliska dowladda KMG ah ee Somalia, lacagtaas waxana ay gaaraysaa 50 Million oo lacagta giniga istarliinka ah.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Wada hadal dhex martay Max’ed Dheere iyo Muqaawamada Muqdisho 

M. Dheere

HALKAAN KA DHAGEYSO HADALKA MAXAMED DHEERE IYO MUQAAWAMADA 

WAA WAR XAQIIQA AH OO DHACAY

XUQUUQDA WARKA WAAGACUSUB:COM

%d bloggers like this: