Â
Diyaarad Basaas ah
Halkaan ka akhri
War naga soo gaaray magaalada Marka ayaa sheegaya in Diyaarada Nuuca Basaaska ah oo loo maleeyo inay leedahay Dowalada Mareeykanaka ayaa waxaa ay ku soo dhacaday Deegaanka Cagaaran oo 3 KM kaga Galbeed Kaga Beegan Magaalada Marka ee Gobolka Sh/hoose.
Diyaaradan oo la sheegay in joogeeda uu la ekaa 1.72 SM ayaa waxaa ku rakibnaa Camirooyin iyo Raadaro, balse wax dad ah ayan saarneeyn.
Sida dadka degmada Marka laga soo weryey in diyaaradan dhacda oo nooceeda ah ay dhawaanahan dul heehaabaysay magaalada Marka Si jog hoose ah.
Maamuulka Gobolka Sh/hoose ayaa waxaa ay si deg deg ah u tageen gobta ay diyaarada Basaaska ah ku dhacday iyagoo baaritaan ku sameeynaya gobtaasi, ha yeeshee waxaa lagu soo waramay markii ay diyaaradaasi ku soo dhacday dhulka ayaa waxaa isla markiiba ku soo xoomay dadka deegaanka ah waxaana isla markiiba ku carareen guri ku yaalay halkasi, iyagoo cabsi ka qaba inay qaraxdo diyaaradaas.
Sida la wada og yahay diyaaradaha Basaaska ee uu mareeykanku leeyahey ayaa waxay intabadan dul heehaabaan hawada wadanka Soomaaliya gaar ahaan Magaadada Marka iyadoo inta badan diyaaradahaas la arko xiliyada habeenkii ah.
SomaliSwiss Marka
Wada hadal dhex martay Max’ed Dheere iyo Muqaawamada MuqdishoÂ
HALKAAN KA DHAGEYSO HADALKA MAXAMED DHEERE IYO MUQAAWAMADAÂ
WAA WAR XAQIIQA AH OO DHACAY
XUQUUQDA WARKA WAAGACUSUB:COM
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.