C/qaadir Cali Yuusuf oo iska casilay Maanta Xilkii uu u hayey Gobolada Banadir iyo Shabeelaha Hoose.

Gobolka Banaadir

Halkaan ka akhri

Taliye Xigeenkii Nabadsugida Degmada Wanla-weyn ee gobolka Sh/hoose ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iska Casilay xilkii uu ka hayay degmadaasi ee dhanka Sirdoonka.

C/qaadir Cali Yuusuf oo ah Taliye Xigeenkii Nabadsugida Degmada Wanla-weyn oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gurigiisa oo ku yaalay Degmada Afgooye ayaa maanta ku cadeeyay inuu iska Casilay Xilikii uu u hayay dowladda KMG.

Taliye Xigeeynka ayaa sheegay in wax xil ah uusan u heeyn dowlada KMG ah, isla markaan arintaasi ay timid kadib markii culeys uu uga yimid dhanka walidkiisa iyo qeeybo kale oo uusan sheegin.

C/qaadir Cali ayaa intaasi raaciyay in tan iyo markii xilka loo magacaabay uusan fariisan Xafiis isla markaana uusan qaban wax shaqo ah.

Ma’ahan masuulkii ugu horeeyay ee ka tirasan maamulka Degmada Wanla-weyn ee isag tagay Xilkii uu ka hayay Degmada Wanla-weyn.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Wada hadal dhex martay Max’ed Dheere iyo Muqaawamada Muqdisho 

M. Dheere

HALKAAN KA DHAGEYSO HADALKA MAXAMED DHEERE IYO MUQAAWAMADA 

WAA WAR XAQIIQA AH OO DHACAY

XUQUUQDA WARKA WAAGACUSUB:COM

%d bloggers like this: