Ciidamo ka tirsan gumeysiga Ethiopia oo saakay ku naf waayey qarax lagula beegsaday degmada Wardhiigley.

ciidamo3.jpg

gumeysiga Ethiopia

Halkaan ka akhri

 Qaraxii miino oo saakay lala beegsadey ciidamo ka tirsan gumeysiga Ethiopia ee ka  dhacey degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho oo  subax walba imaan jirey Barxada ku taalla Xaafada degmada Wardhiigley, ayaa waxaa  ka soo baxaya Warar dheeraad ah oo ka hadlaya khasaaraha halkaas ka dhacday.

Sidoo kale wararku waxay intaa ku darayaan in ciidanka gumeysiga Ethiopia qaraxa ay uga dinteen 4 askari,Ciidanka ayaa fariisinka ku leh Villa Soomaaliya waxay subax walba sida caada u ah ku faafi jireen xaafadaha ka ag dhow madaxtoyada, halkaas oo ay ka galaan dhufeyso.

Balse saaka markay soo gaaren fariisimadii ay ku lahaayeen Barxada xaafada degmada Wardhiigley, waxay bilaabeen in ay baaritaano ku sameeyaan meelihii ay fadhiisan jireen iyaga oo ka cabsi qaba in loo geliyo waxyaabaha qarxa.

Hase yeeshee xogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo mar walba khidad iyo Taakika cusub u adeegsada la dagaalka ciidanka gumeysiga Ethiopia waxa ay miinada nooca meelaha fog laga hago ugu xireen geed ka mid ah geedihii ay fadhiisan jireen, taas oo markii danbe gaarsiisey khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Si kasta ha ahaatee wararkan dheeraadka ah ee la xiriira qaraxii saaka ka dhacey degmawa Wardhiigley ee lala beegsadey ciidanka gumeysiga Ethiopia ayaa waxaa inoo xaqiijiyey ilo ku dhow dhow Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Wada hadal dhex martay Max’ed Dheere iyo Muqaawamada Muqdisho 

M. Dheere

HALKAAN KA DHAGEYSO HADALKA MAXAMED DHEERE IYO MUQAAWAMADA 

WAA WAR XAQIIQA AH OO DHACAY

XUQUUQDA WARKA WAAGACUSUB:COM

%d bloggers like this: