Allaha u Naxariistee C/llaahi Amiir Rooble Ow Kuu-Kuu ayaa Caawa ku Geeriyooday xaafadda Ex. Fiyoore ee magaalada Muqdisho.

aw kuukuu

Allaha u Naxariisto

Halkaan ka akhri

Allaha u Naxariistee waxaa Caawa Maqribkii magaalada Muqdisho ku geeriyooday Malaajiliistihiii caanka ahaa ee Soomaaliya C/llaahi Amiir Rooble oo looyaqaan ( Ow Kuu-Kuu).

Warar Goordhaw naga soo gaaray Xaafadda Ex. Fiyoore ayaa tilmaamayo in uu Geeriyooday Ow Kuu-Kuu oo maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanaa.

Allaha u Naxariistee Al-Fannaan C/llaahi Amiir Rooble (Ow Kuu-Kuu) ayaa ahaa Maajiliiste caan ah oo siweyn uga dhaxmuuqday bahda Madadaalada Soomaaliyeed islamarkaana kaalin weyn ka qaatay Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed.

Ehelada iyo Asxaabta Marxuum (Ow Kuu-Kuu) ayaa sheegay in Maalmihii lasoo dhaafay uu xanuunsanayay, Maalinta berina lagu aasi doono magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Wada hadal dhex martay Max’ed Dheere iyo Muqaawamada Muqdisho 

M. Dheere

HALKAAN KA DHAGEYSO HADALKA MAXAMED DHEERE IYO MUQAAWAMADA 

WAA WAR XAQIIQA AH OO DHACAY

XUQUUQDA WARKA WAAGACUSUB:COM

%d bloggers like this: