War saxaafadeed ku saabsan Nabad ku sheega Istrateejiyadeed oo lagu marin habaabinayo Shacabka Soomaaliyeed.

isbahaysiga.png 

Isbah. dib u Xoreynta

Halkaan ka akhri

Dhawaaqa ka soo yeeray kooxda Baydhabo ee ay warinayeen qaar ka mid ah saxaafadda gudaha iyo dibadda, ee ay ku sheegeen inay ‘Istraatijiiyad Cusub oo Dib u Heshiisiineed’ soo bandhigeen, waxa aan leennahay marka hore inta aadan shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada caalamkaba ku jaha wareerinin dhalanteed cusub.

Balse waxaa idinku haboonayd in aad qirataan sida aad ugu fashilanteen shirku sheegii aad been abuurteen ee aad ku sheegteen ‘Shir dib u heshiisiineed lagu qabtay Muqdisho sanadkii tegay (August – September 2007), bulshadana u soo celisaan wixii hanti ahayd ee aad ku lunsateen.

Ma aha markii ugu horeysay oo kooxada Baydhabo ay soo jeediso dhawaaq noocan ah iyadoo aan sheegin sidii loo meel marin lahaa, waana ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan dhibaatooyinka waa-weyn oo sida joogtada ah shacabka Soomaaliyeed loogu gaysto maalin walb, sida xasuuqa iyo tacadiyada kale ee xaquuqul insaanka lidka ku ah, burburinta iyo barakacinta, kufsiga iyo ku-xadgudubyada Masaajidyada, boobka iyo biliqaysiga hantida shacabka.

Waxaa intaa la socda in kumaaan-kunka qof oo xabsiyada buux dhaafiyay iyo jir dilka loo geysto, IWM. Fal-dembiyeeydaas oo ay sida bareerka ah u gaystaan ciidamada cadawga gumaysiga Itoobiya, oo iyagu maanta Soomaaliya ka taliya, iyo daba-dhilifyadooda Soomaali ku-sheegga budhcadda ah oo ay adeegsadaan.

Haddaba, istraatijiiyada cusub ee Kooxda TFG da ma aha mid dib u heshiisiineed dhab ah, ee waa mid la rabo in rajo been ah loogu muujiyo shacabka Soomaaliyeed oo dhibaataysan si halganka ummadda Soomaaliyeed kula jirto gumaysiga iyo daba-dhilifyadiisa loo fashiliyo, ciidamada gumaysiguna ay dalka ugu sii nagaadaan oo ay u dhamaystirtaan boobka iyo biliqaysiga wixii ka sii hadhsan hantida shacabka Soomaaliyeed.

Ka dib markii la arkay qoraalka ay TFG-du ku sheegtay ISTARAATIIJIYADA Dib U Heshiisiineed, wax cusub oo qoraalkaa ku jira oo wax laga soo qaadi karo ma jiraan, balse waxay ku cel-celiyeen in ay rabaan wadahadal aan wax qabad lahayn, iyagoo aan marna ka hadalin dhibaatooyinka aan kor ku soo xusnay.

Bulshada Soomaaliyeed ee la baneystay dhiigeeda, hantideeda iyo karaamadeeda marnama uma dhadhamayso, danna uma aha in ay wada hadal la gasho cid u adeegeyso nin dadkiisii har iyo habeenba hortiisa lagu xasuuqayo, laguna burburinayo hantidooda, xoolahoodana la dhacayo.

SIDAA DARTEED, ISBAHAYSIGA DIB U XOREYNTA SOOMAALIYEED MARNA SUURA GAL UMA AHA IN UMMADDIISA U QAADO WAX LAGU DAGAYO.

Dhanka kale waxaa wax lala yaaba ah in Wakiilka Qaramada Midooobay Mudane Axmed Walad Cabdallah oo aan doonaynin in uu hoos ugu daadego xaqiiqada ka jirta Soomaaliya indhahana ka laabtay in uu shaaciyo sida uu diyaarka ugu yahay dhexdhexaadin dhex marta dhinacyada ay khuseyso arrinta Soomaaliya.

Walad Cabdallah waxaa ku haboon inuu ka hadlo xadgudubyada lagu hayo shacabka Soomaaliya iyo xaaladda gumeysi ee uu ku sugan yahay dal beri xubin ka haa haya’adda uu wakiilka uga yahay Soomaaliya , waana in uu arrintan ka soo galo irridda saxda ah haddii uu doonayo in lagu dhegeysto dhego furan.

XAFIISKA WARFAAFINTA , ASMARA , 27/03/2008.

SomaliSwiss Asmara

SomaliSwiss@hotmail.com

Wada hadal dhex martay Max’ed Dheere iyo Muqaawamada Muqdisho 

M. Dheere

HALKAAN KA DHAGEYSO HADALKA MAXAMED DHEERE IYO MUQAAWAMADA 

WAA WAR XAQIIQA AH OO DHACAY

XUQUUQDA WARKA WAAGACUSUB:COM

%d bloggers like this: