Â
Calmy-Rey
Halkaan ka akhri
Wasiirka Arrimaha dibadda eeddowladda Federaalka ee Switzerland Micheline Calmy-Rey ayaa lagu wadaa in in maalinta Jimcada ah ay booqasho ku tegi dono dalal ka mid ah Balkanka, gaar ahaan dalka Kosovo, balse sida lasheegay lama hubo inay tegi doonto magaala madaxda dalka Serbiya ee Belgrado, taasoo loo aanaynayo aqoonsiga Swisska ay aqoonsatay madax-bannaanida dalka Kosovo.Â
Hase ahatee ujeedada Safarka Calmy-Rey ayaa la sheegay inay la xiriirto ka qayb gal ay kaga qab galeyso xafladda furitaan Safaarada Swisska ay ku yeelanayso magaalada Pristina ee dalka Kosovo maalinata Jimcaha ah, sidaas waxaa caddeeyey Xafiiska Waaxda Federaalka ee Arrimaha dibadda.Â
Hal bil kadib oo Swissku uu aqoonaday madax-bannaanida Kosovo ayaa Swisska go’aan ku gaaray inuu ka furto Safaaradeeda Pristina-Kosovo, ha yeeshee Swissku wuxuu noqday Safaaradii 4aad, waxaa kaga horreeyey oo Safaarado ka furtay Wadammada Jarmalka, Fransiska iyo Ingriiska, balse ilaa iyo hadda waxaa aqoonsaday madax-bannaanida Kosovo ilaa 30 dal.Â
Ugu dambeyntii Calmy-Rey intii ay joogto Kosovo waxay kulamo la yeelan doontaa Ra’iisul-wasaaraha dalkaas Mudane Hashim Thaci, hase ahaatee waxay booqasho sharafeed ugu tagi doontaa Madaxweynaha dalka Kosovo Fatmir Sejdiu. Â
Wasiiraddu waxay kaloo is aragyo iyo kulamo kale la yeelan doontaa Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub, kadibna waxay uga gudbi doontaa Kosovo oo ay booqasho ku tagi doonta wadammada Basniyaiyo Macedonia.Â
SomaliSwiss Zürich
Xigasho www.Swissinfo.org
Wada hadal dhex martay Max’ed Dheere iyo Muqaawamada MuqdishoÂ
HALKAAN KA DHAGEYSO HADALKA MAXAMED DHEERE IYO MUQAAWAMADAÂ
WAA WAR XAQIIQA AH OO DHACAY
XUQUUQDA WARKA WAAGACUSUB:COM
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.