Sh. Shariif & Shariif X.
Halkaan ka akhri
Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib-U-Xoraynta Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Ahmed iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Dowladda KMG Shariif Hassan Sh. Aadan ayaa gaaray Wadanka Sudan iyadoo aan la faahfaahin u jeedada ka danbaysa safarka Masuuliyiinta Ururka Isbahaysiga Dib-U-Xoraynta Soomaaliya.
Warar aanu kahelnay madax katirsan Isbaheysiga Dib-U-Xoreynta Soomaaliya ayaa sheegaya in Masuuliyiinta ugu sareysa Isbahaysiga ay casumaad ka helleen Madaxweynaha dalka Sudaan Cumar Xassan Al-Bashiir.
Wararka aan weli xaqiiqdooda la gaarin ayaa sheegay in Dowlada Suudaan ay rabto in ay dhexdhexaadin ka dhex bilaabaan Dowladda KMG iyo Ururka Isbahaysiga Dib-U-Xoraynta Soomaaliya si loo soo afjaro dagaalada iyo khilaafka halaagay dalka Soomaaliyeed.
Ilo wareed ku sugan Wadanka Sudan ayaa noo xaqiijiyey in Jaaliyada dalka Sudan ay qaban qaabinayaan kulamo & Shirar ay rabaan in ay la qaataan Madaxda Ururka Isbahaysiga Dib-U-Xoraynta Soomaaliya oo uu ugu horeejo Sheikh Shariif Sh. Axmed.
Horay ayaa waxaa ugu dhawaaqay in Dowladda KMG ay wadahadalo hordhac ah la galayaan Afhayeenka Maxkamadah Islaamiga Sheikh C/rahmaan Cali Muuday, balse Sheikh C/rahmaan waxaa uu cadeeyey inaysan marna ogalaanayn in ciidanka gumeysiga Ethiopia wadanka Soomaaliya ay sii joogaan.
Safarka Gudoomiyaha Ururka Dib-U-Xoraynta Soomaaliyeed Sheikh Shariif Sh. Axmed iyo gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Dowladda KMG Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa ku soo beegmaya xili uu Ra’isal Wasaare Nuur Cadde uu ku sugan yahay dalka Kenya.
SomaliSwiss Khartoom
Wada hadal dhex martay Max’ed Dheere iyo Muqaawamada MuqdishoÂ
HALKAAN KA DHAGEYSO HADALKA MAXAMED DHEERE IYO MUQAAWAMADAÂ
WAA WAR XAQIIQA AH OO DHACAY
XUQUUQDA WARKA WAAGACUSUB:COM
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.