MMI Soomaaliya
Halkaan ka akhri
Sheikh C/raxiin Muuday Afhayeenka MMI Soomaaliyeed oo soo dhaweeyey Ciidanka ay samaysteen ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka golihii Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed, Sheikh C/raxiim Cali Muudey oo waraysi gaar ah siiyay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in uu soo dhaweynayo Ciidamo gaar ah oo dhawaan ay samaysteen ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Sheikh C/raxiim Muudey ayaa waxaa uu sheegay in ciidamadaan cusub ee sida gaarka ah ay u leeyihiin ganacsatada ay dowr weyn ka qaadan doonaan siddii loo adkeyn lahaa amaanka Suuqa Bakaaraha, waxaana uu ugu baaqay in ganacsatada ay ilaashadaan hantidooda, isagoo Sheikhu sheegay in haddii loo baahdo ay ciidanka MMI ay difaaci doonaan Suuqa Bakaaraha.
Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ay samaysteen Ciidamo u gaar ah Suuqa Bakaaraha, walow dhowr jeer ciidankaas ay is xabadeeyeen Maleeshiyaad ka tirsan kuwa Dowladda KMG ee u adeega gumeysiga Ethiopia.
Ciidanka loo sameeyay Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa iyaguna dhinacooda sheegay in ay iska difaaci doonaan cid walba oo soo weerarta Suuqa xttaa hadii ay soo weeraraan ciidamada gumeysiga Ethiopia.
SomaliSwiss Marka
Wada hadal dhex martay Max’ed Dheere iyo Muqaawamada MuqdishoÂ
HALKAAN KA DHAGEYSO HADALKA MAXAMED DHEERE IYO MUQAAWAMADAÂ
WAA WAR XAQIIQA AH OO DHACAY
XUQUUQDA WARKA WAAGACUSUB:COM
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.