Â
Cudurka Qaaxada
Halkaan ka akhri
Aqoonyahannada Switzerland ayaa soo jeediyey baaq ku aadan shaqaalaha ka howlgela xarumaha Caafimaadka inay ka feejignaadaan, kana hortagaan Cudurka Qaaxada, iyadoo loo eegayo ka hortagga la dagaallanka caalamiga ee Cudurkaas.Â
Munasabadda maalinta Caalamiga ah ee ka hortagga Cudurka Qaaxada awgeed ayaa xattaa waxaa loogu digay shaqaalaha ka shaqeeya Sheybaarada (Laboratry), inay iska ilaaliyaan, kana taxadiraan Cudurkaas.
Cudurka Qaaxada wax dhibaata ah kuma haysa Wadamada Reer Galbeedka, balse dhibaatada uga weyn waxay ka jirtaa wadamada soo koraya, sidaas waxaa caddeeyey Dott. Jean-Pierre Zellweger oo ka mid ah Kooxda Takhaatiirta Swisska ee Sambabaha oo soo qabanqaabiyey dood ka furmay khamiistii tegtay magaalada Münchenwiler oo u dhow magaalada Berna .
Dott. Jean Pierre ayaa sheegay in baaristii ugu dambeysay ee uu sameeyo Ururka Caalamiga ah ee Caafimaadka (WHO) wuxuu ahaa 2006da, waxaana la diiwaan geliyey 9,2milyan oo nooc cusub ah ee la xariira cudurka Qaaxada, waxaana cudurkaas u dhintay 1,5milyan oo qof.
 Hase ahaatee warbixinta la soo saaray 2008da ayaa waxay sheegaysaa in si gaabis ah uu u socday Cudurkan 2001-2005ta, balse sanadaha 2005-2006da uu sii kordhay.Â
 Si kasta ha ahaatee intii dooda socotay waxaa la tilmaamay in loo baahan yahay Ururka caafimaadka uu ku dhaqaaqo Stratejiyo cusub ee loogu hortagi karo Cudurka Qaaxada, waxaana mudan in baaris xoog badan lagu sameeyo Spitaalada xerooyinka dadka qaxootida ah iyo xabsiyada. Forumka doodda Cudurka Qaaxada ayaa waxaa lagu caddeeyey in sanadkan loo howlgelo sidii loo heli lahaa daawooyin cusub si loo xalliyo dhibaatooyin Cudurka Qaaxada.
SomaliSwiss Zürich
Xigasho Swissinfo
Wada hadal dhex martay Max’ed Dheere iyo Muqaawamada MuqdishoÂ
HALKAAN KA DHAGEYSO HADALKA MAXAMED DHEERE IYO MUQAAWAMADAÂ
WAA WAR XAQIIQA AH OO DHACAY
XUQUUQDA WARKA WAAGACUSUB:COM
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.