Hogaanka sare ee Isbaheysiga oo ku sii jeeda magaalada Nairobi maalinta Jimcaha, si ay ula kulmaan Beesha Caalamka.

Isbaheysiga

Hogaanka IDUXS

Halkaan ka akhri

Hogaamiyeyaasha sare ee Isbahaysiga Dib-U-Xoraynta Soomaaliya ayaa ku sugan magaaladda Khartuum ee wadanka Suudaan, iyadoo lasugayo dhowaan in ay u gudbaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wafdigan oo ka kooban Sheikh Shariif Sheikh Axmad oo ah gudoomiyaha fulinta Isbaheysiga Dib-U-Xoreynta Soomaaliya, Gudoomiya Golaha Dhexe ee Isbahaysiga Shariif Xasan Sh. aadan, Mudane Mohamed Abdi Yusuf oo ka mid ah golaha dhaxe ee Isbaheysiga, gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Gudoomiyaha Isbahaysiga, Gen Jaamac Maxamad Qaalib, Prof Cadow oo isagu ah la taliyaha xiriirka caalamiga ah ee Sheikh Shariif iyo Sh. Cumar Iimaan oo xubin ka ah Golaha Dhex ee Isbahaysiga.

Sidoo kale waxaana magaalada Nairobi ku sugan oo usii gogal xaaraya wafdigaan balaaran xubno ka tirsan golaha dhaxe ee Isbaheysiga, kuwaas kala ah Prof. Abdiraxman Ibbi, Mudane Abdul Kadir Dhaqane, iyo Mohamed Amin Osman.

Wafdigan oo casumaad rasmi ah ka helay dawladda Suudaan ayaa wararka Khartuum ka imaanaya sheegayaan in iyaga iyo dawladda Suudaan ay isla meel dhigeen waxyaabo badan oo ku saabsan arimaha Soomaaliya.

Wafdigan ayaa maalmaha soo socda u baqooli doona magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo ay kulamo kula yeelan doonaan Qaramadda Midoobay iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta dawladaha Yurub ee daneeya arimaha Soomaaliya.

Ilaa hadana ma cada inay wadahadal la gali doonaan hogaamiyaha cusub ee dowladda KMG Nuur Cade oo isagu iminka ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaana cad in ay wax badan iska badaleen xaga beesha caalamka arimaha Soomaaliya, ayna hada diyaar u yihiin in ay wax ka qabtaan xaalada dalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in ciidamada gumeysiga Ethopia laga saari doono dalka Soomaaliya, iyadoo lagu badali doono ciidamo ka socda Qaramada Midoobay (United Nations).

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Wada hadal dhex martay Max’ed Dheere iyo Muqaawamada Muqdisho 

M. Dheere

HALKAAN KA DHAGEYSO HADALKA MAXAMED DHEERE IYO MUQAAWAMADA 

WAA WAR XAQIIQA AH OO DHACAY

XUQUUQDA WARKA WAAGACUSUB:COM

%d bloggers like this: