Ciidamada gumaysiga Ethiopia oo maanta isaga guuray Degmada Marka ee Xarunta Gobolka Sh. Hoose, kadib markii ay lasoo gudboonaatay..

ciidamada-itoobiya1.jpg

gumeysiga Ethiopia

Halkaan ka akhri

Ciidamada gumaysiga Ethiopia oo dhawaan degay duleedka degmada marka ee xarunta Gobolka Shabeelada Hoose ayaa maanta gabi ahaamba isaga soo guuray halkii ay ka deganaayen degmada Marka, ayaga oo u ambabaxay dhinaca degmada Qoryooleey ee isla Gobolka Sh. Hoose.

Dad goob joogayaal ahaa ayaa waxay sheegeen in ay arkayeen ciidamada gumaysiga Ethiopia oo lugaynaya islamarkaana ay daba joogaan gaadiid gaaraya ilaa 10 oo isugu jira gawaarida qoryuhu ku rakiban yihiin iyo kuwa qaada ciidamada ee loo yaqaan URAL-ka.

Ciidamadan ayaa waxay degmada Marka ku sugnaayeen 3-dii maalmood ee la soo dhaafay ayaga oo markii hore ka tagay degmada Afgooye, waxayna intii ay joogeen kulamo la yeesheen Maamulka Gobolka Sh. Hoose iyo Odayaasha deegaanka.

Dhanka kale warar ka imaanaya Degmada Qoryooleey ayaa sheegaya in ciidamadii ka soo guuray Marka ay soo gaareen degmadaas oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo Ethiopian ah.

Lama oga sababaha ay ciidamada gumaysiga Ethiopia uga soo guureen degmada Marka ee xarunta Gobolka Sh. Hoose oo ay dhawaanahan ka wadeen dhaq dhqaaqyo aan la garanayn ujeedooyinka ay ka leeyihiin ciidamada gumaysiga Ethiopia.

Dhinaca kale warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in ay ka dambeyso kaguuritaanka ciidamada Gumeysiga Ethiopia ee degmada Marka, kadib markii ay maqleen duulaan iyaga kadhan ah oo ay kusoo wadaan Xoogagga kasoo horjeeda joogitaanka ciidamada gumeysiga Ethiopia ee dalka Soomaaliya.

Dhaq dhaqaaqyada ciidamada gumaysiga Ethiopia ayaa waxay u egyihiin qaab cabsi gelin ah oo ay ka wadeen qaar kamid ah gobolada Soomaaliya kadib markii ay guuldarooyin laxaad leh kala kulmeed dagaaladii ay la galeen xoogagga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaga oo muujinaya in ay goobo badan oo Soomaaliya ka mid ah tegi karaan islamarkaana ay qalqal giliyaan dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegmooyinka ay tagayaan.

Sida lawada ogsoon yahay ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa baryahan dambe waxey lakulmeen jab aad u xoogan, iyadoo weliba meela badan laga qabsaday oo ayna dib ugu laaban waayeen, taasoo ay ugu dambeysay Xeradii dhowaan laga qabsaday ee Maslax.

Si kastaba ha ahaatee ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa waxey Soomaaliya kusugan yahay Sanad iyo Bilooyin oo ayna maalin walba jab xoogan lakulmayaan oo ay waxba kakeeni la’yihiin Shacabka Soomaaliyeed ee xaq-udirirka ah.

SomaliSwiss Marka

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Wada hadal dhex martay Max’ed Dheere iyo Muqaawamada Muqdisho 

M. Dheere

HALKAAN KA DHAGEYSO HADALKA MAXAMED DHEERE IYO MUQAAWAMADA 

WAA WAR XAQIIQA AH OO DHACAY

XUQUUQDA WARKA WAAGACUSUB:COM

%d bloggers like this: