Taliyaha guutada 19 aad Danab Axmed Cilmi oo shaaca ka qaaday in uusan la shaqeyn doonin Maleeshiyaadka Dowladda KMG.

ciidanka-dowladda1.jpg

Ciidan goostay

Halkaan ka akhri

Taliyaha guutada 19 aad oo lagu magacaabo Danab Axmed cilme Guuto ayaa shaaca ka qaaday in uusan la shaqeyn doonin wax uu ugu yeeray Maleeshiyada dowladda KMG iyo maamulkiisa gobolka Hiiraan isagoo xalay waraysi siiyay qaar kamida war baahinta goboka Hiiraan iyo kuwo kale isagoo intaa raaciyay in uusan wax xil ah kahayn hadda kana qaban doonin mustaqbalka maamulka hada jira dalka Soomaaliya ee lashaqeeya gumeysiga Ethiopia.

Warka ayaa wuxuu intaa ku daray in Sarkaalku uu dhax dhaxaad ka yahay mucaaradka iyo Dowladda KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga itoobiya.

Sarkaalkan ayaa sheegay markii uu tegayay Bali doogle in uu is dhahayay waxaa la heli doonaa maamul iyo dowladnimo, balse uu la kulmay gef loo geysanayo ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo Ummada Soomaaliyeed, ayna u muuqan waysay wax anshax doowladeed ah iyo waddaninimo toona, taasina ay ku qasabtay in uu isaga soo boxo Bali doogle.

Taliyaha guutada 19 aad ayaa ahaa taliyaha guutada kumaandosta danab ee dowlada KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Ethiopia Axmed guuto ayaa isaga iyo ciidankiisuba ka soo baxsadeen xerada tababarada Bali doogle isaga oo watay 2 beebe iyo gaari C/bile ah mudo 2 bilood kahor aheyd kadib is afgaran waa soo kala dhax galay isaga iyo saraakiil kale.

Axmed guuto ayaa khilaaf ba’an waxaa uu kala dhaxeeya Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf dabageed ilaa iyo markii uu yimid magaalada Balad-weyne, khilaafkan oo salka ku hayay gaadiidka dagaalka ee uu watay Axmed guutyo arintaasi oo uu ku gacan seyray in uu ku wareejiyo Yuusuf dabageed iyadoo ugu dambeyntii uu ku wareejiyay gaadiidkii dagaalka qaar ka mida Beelaha gobolka Hiiraan.

SomaliSwiss Balad-weyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: