Baydhabo
Halkaan ka akhri
Kooxo hubeysan ayaa goor dhaw ku toogtay gudaha Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay Sarkaal ka tirsan waaxda Nabad Sugidda ee Dowladda KMG ah ee lashaqeysa gumeysiga Ethiopia.
Dilkaan Sarkaalka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay agagaarka Shirkadda Isgaarsiinta Nationlink, waxaana la xaqiijiyay in ay baxsadeen kooxaha dilka u geystay Sarkaalkaasi.
Sarkaalkaan oo Magaciisa lagu sheegay Max’ed Shig-shigow ayaa waxaa dadka deegaanka ay sheegeen in kooxo hubeysan ay toogteen salkaalka tirsan waaxda Nabad Sugidda Dowladda KMG ee lashaqeysa gumeysiga Ethiopia.
Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horeysay ee gudaha Magaalada Baydhabo lagu toogto Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG ee lashaqeysa gumeysiga Ethiopia, waxaana ay qeyb ka yihiin falalka lagu ugaarsanayo kuwa lashaqeeya gumeysiga Ethiopia.
SomaliSwiss Baydhabo
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.